1 April Ha Dhageysan BBC-da Halkan Sabab Darteed

Sirtu waxa ay  tahay 1 April qeybo badan oo dunida ah ayaa waxaa loogu dabaal dagaa maalinta Beenta taasi oo afka ingiriiska lagu yiraahdo “April Fools Day” (maalinta nacasyada April).

Xaqiiqonews-Wararka

Taariikhyahanada qaarkood ayaa aaminsan in maalinta Beenta(1 April” ay asal ahaan ka soo bilaabatay Faransiiska, hase ahaatee si dhab ah looma hubo.

Sheekada oo faafaahsan ayaa waxa ay tahay, Roomaankii hore ayaa tirinta sanadka waxa ay ka bilaabi jireen  1April, hase yeeshee 1582 ayaa kaniisadda “Roman Catholic Church”  waxa ay u badashay 1 Janaayo in ay noqoto maalinta koowaada ee laga bilaabaayo tirinta sanadka.

Haddaba dadkii sii waday in 1 April ay u dabaal dagaan bilowga sanadka, ayaa waxaa loogu magaca daray Nacasyada April(April Fools) dadka ayaan bilaabay in ay ku ciyaaraan.

Website-ka “OhFact” waxaa uu leeyahay Hadii xilligii la badalaayey taariikhda uu jiri lahaa Hab isgaarsiin oo xoog leh sida kan hadda dunida ka jira, boobkana uu qaban lahaa shir jaraa’id looma baahan laheyn in saaxibadeen aan u aqoonsanno Nacasyada April(April fools).

Caruurta Faransiiska(oo ah halka ay ka soo bilaabatay) ayaa sameeyo dabaal deg ah cajiib iyagoo dadka dhabarka uga dhajiya warqad malaay loo egeysiiyey waxa ayna ku qeyliyeen “”Poisson d’Avril.” oo micnaheedu tahay “Malaayga April” ama Beenta April.

Beentii BBC-da

1952- BBC-da ayaa sii deysay muuqaal been cad ah oo ku saabsan war sheegaya in baastada ay ka baxdo oo laga soo gooyo dalka Switzerland.

1976-kii BBC-da ayaa faafisay  in cuf-isjiidka dhulka uu yaraaday ilaa xogaa, sidaa darteed qofkii isku daya in uu biibo in uu hawada ku sii jiri karo ilaa xoogaa! haddaba dadka aan ka warqabin kaftanka BBC-da waxa ay u qaateen warkaasi mid dhab ah.

isla markale sanadkii 2008 BBC-da ayaa sii deysay war sheegaya  in shimbiraha aan biibin ee loo yaqaan  “Antarctica’s Gentoo penguins” la arkay iyaga oo biibaya, walibana u haajiraya dhankaa iyo koonfurta Ameerika. taasi oo iyadana aheyd been cusbada ka maqan tahay.

Sanadkii 2012 BBC-da ayaa tabisay in dhulka uu qarxay, qof walbo oo dhulka ku nool uu dhintay, xitaa wariyaha waxaa uu yiri “Aniga xitaa wan dhintay, warkani waxa aan ka soo qorayaa Aakhiro”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA