10-ka Ugu Taajirsan Aduunka..450 Bilyan Ayey Faa’ideen Xilliga Karoonaha

-

Dhibaatooyinka safka marka Karoona waxaa ka mid ahaa in uu dad badan saaxib kala dhigay “nolasha faqriga”, dad badan oo dunida ku nool ayaa ka cabanaya sicir barar, hase yeehsee hantiilayaashan waxa haleelay “hanti-barar”.


XAQIIQO NEWS- KALA DUWAN

Sida uu ku waramaayo wargeyska The Guardian, Jeff Bezos oo ah asaasaha shirkadda Amazon ayey hantadiisa korortay qiyaas dhan 70 Bilyan tan iyo bishii Maarso ee la soo dhaafay, taasi oo hantadiisu guud gaarsiineysa 185 Bilyan oo doolar, ninkani ayaana lacag malaayiin ah ka faa’iday bandowgii dadka ee xilliga Karoon, kolkaasi oo uu dadka kaga macaashi jiray Cuntooyin iyo qalabka madadaalada ee Internetka lagu iibiyo.

Dadka soo buuxiyey liiska Hanti kororka waxaa ku jira, Elon Musk asaasaha shirkadaha Tesla iyo Sapce x, waxaa kale oo dadka faa’iday ka mid ah Bernard Arnault Bilyaneerka Faransiiska ah kaasi oo leh shirkadda LVMH luxury brand, waxaa kale oo meesha ka maqneen asaasaha shirkadda Facebook ; Mark Zuckerberg, iyo Larry Page oo ka mid ah aasaasayaashii Google.

“Saboolnimada ba’an ayaa sii kordheysa markii ugu horeysay muddo toban sano ah, boqolaal milyan oo dad ah ayaa wajahaya dhibaatooyin aad u daran,” ayey tiri Anna Arender, oo ah madax ka ah ololaha Oxfam, kaasi oo loogu magac daray “sinaan la’aanta”

Anna Arender oo sii hadashay ayaa tiri “dowladaha waa in ay la dagaalamaan hanti jaceylka, si taasi u dhacdana waa in cashuuro dheeri ah lagu soo rogo hantiilayaasha”.

Bilyaneerrada kale ee hantidooda si weyn kor ugu kacday tan iyo bilowgii cudurkan, waxaa ka mid ah, Mark Zuckerberg oo ka tirsan Facebook-ga, kaasoo hantidiisu koradhay ku dhowaad 80% , maal-qabeen Warren Buffett, oo hantidiisu koradhay 26% , iyo Larry Allison, aasaasihii. Shirkadda Oracle, oo hantideeda ku korartay 50% , sidoo kale Larry Page oo ka tirsan Google ayaa hantidiisa kala bar korortay, halka aasaasihiisii, Sergey Brin uu helay gaartay 74 bilyan, iyo Amancio Ortega, aasaasaha Inditex, ayaa Hantidiisu waxay kor u kacday 47% isaga gaaray 75 billion.

Wararka U Dambeeyey

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...