11-jir Somali ah Oo Neceb Markii uu arko Midibka Cirka oo Buluug ah”blue sky”(aqriso sabab)

-

Wiilkani oo ku nool baadiyaha Soomaaliya dhawaana lagu dabiibay isbitaal ku yaala magaalada muqdisho ayaa xog badan siiyey Wariye ka tirsan xaqiiqonews.

Wiilkan oo xaaladiiisa caafimaad ay hadda soo hagaageyso ayaa dhibane la ahaa Dhawaac ka soo gaaray duqeyn diyaarahada drone-ka mareekanka ay ka fuliyeen Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Shabeelaha hoose.

Waa 11 jir balse waxaa uu aad u cabsadaa marka jawiga cirka uu yahay mid dagan samaduna ay tahay midibkeeda caadiga ee buluuga sababtoo ah marka cirka blue yahay waa xiliyada aad weeraradooda ay fuliyaan diyaaradaha mareekanka waana xiliyada diyaaradaha ay socdaan waxaana uu xasuustaa dhaawacii soo gaaray asiga iyo walaashiisa ka weyn sacdiya oo si wada jir ah u ciyaaraayey meel ku dhaw xero xoola ku xareysanyihiin weerarkaasi oo CID-da mareekankuna ay sheegtay in ay lagu dilay mintidiin alshabaab ah oo xariir la leh urur weynaha Al-qaacidda.

xilyada ugu badan ee dadka ku nool goobaha shabaabka ay helaan amaanka ugu badan ayaa ah marka cirku uu leeyahay daruur ama Humaagis taasi oo yareysa qulqulka drone-ska .

Diyaaradaha mareekanka ee duuliyaha aan laheyn ayaa ah kuwa ugu daban ee isticmaala hawada soomaaliya waxa ayna bartilmaameedsadaan Alshabaab balse inta ugu badan waxa uu qasaaro ka soo gaara dad rayid ah.

Warabixino ay soo saareen kooxaha la socodka duqeymaha CID-da ee dibadda laga fuliya ayaa sheegay in Somalia, Yeman, Pakistan iyo Liibiya ay yihiin goobaha ugu badan ee laga fuliya weerarada Drone-ka loo isticmaalo.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...