15M Oo Soomalida Lagu sheego 7M Oo Ka mid ah Ayaa heestan Daawaday!

La Wadaag Asxaabtaada

Heesta “All quruxsanaa” ayaa heshay 7 milyan oo daawadayaa oo heesta ka fiirsatay bogga caanka ee muuqalaada “Youtube’ muddo ka yar sanad gudahiisa,.


Xaqiiqonews-Muuqaalo

Heestan oo uu sameeyey fanaan lagu magacaabo Cumar dabjaceyl bishii Dec ee sanadkii 2018 ayaa noqotay hees si weyn looga daawaday Youtube-ka.

Dad badan oo isuga jira soomaali iyo ajaanib ayaa heesta daawaday,sida laga dheehan karo qeybt faallooyinka.

qof sheegtay in uu ka soo jeedo waddanka Nepal islamrkaana daawaday heesta ayaa yiri “ii aamin waxa aan ka soo jeeda waddanka Nepal, hal erayna kama fahmayo heesta, laakin heestu waa mid wanaagsan”.

Sidoo Kale AqriHeestii Maandeeq..Nuskhad Mareykan ah Oo Soo baxday!

Inkastoo Xaqiiqonews aysan xaqiijin karin, heesta ayaa lagu tilmaami karaa heestii ugu horeysay ee Af-soomaali ah oo heshay daawadayaal intan la eg sanad gudahiis.

Qeybta hoose ka daawo(Xayiisiinta ka dib)

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada