2 Askari oo Si Xirfadaysan loogu Dilay isgoyska Bakaaraha Magaalada Muqdisho.

-

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Ugaarsiga ka dhanka ah Askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa si xowlli ah uga socda magaalada caasimadda ah xilli wasiirka amniga uu ballan qaaday adkeynta ammaanka.

Wararka ka imaanaya degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay dileen ciidamo katirsanaa dowladda Federaalka.

Maanta gelinkii dambe ayay rag bastoolado ku hubeysan isgoyska Bakaaraha ku dileen laba askari oo katirsanaa ciidamada Booliska DF-ka.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in laba wiil oo dhalinyara ah ay gaari BL ah ku dhax toogteen laba askari oo watay qoryo AK47 ah, xoogaga dilka geystay oo sida muuqata alshabab ka tirsanaa ayaa horay usii qaatay qoryihii ay wateen ciidamada ladilay.

“laba askari ayaa lagu dhaxdilay gaari BL ah oo ay ka saarnaayeen shirka hore, ragga dilka geystay ayaa isgoyska Baraakaha kasoo qabsaday gaariga ay askarta ku dileen kadibna si nabad gelya ah ayay uga dhaqaaqeen goobta” sidaas waxaa yiri qof goob jooge ah oo warbaahinta la hadlay.

Dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah Askarta iyo saraakiisha DF-ka ayaa kusii kordhaya degmooyinka gobolka Banaadir tan iyo markii madaxweyne loo doortay mudane Max’med Cabdullaahi Farmaajo.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...