Diyaaradaha Mareykanka ayaa noqday “dilaa aamusan” kuwaasi oo sanad walba galaafta nolasha dad beeraley iyo xoolo dhaqato ah kuwaasi oo ku dhaqan Soomaaliya.
xaqiiqonews-Wararka Gudaha
Bishii kowaad ee sanadkan, diyaaradaha Mareykanka oo kula qalabeysan gantaalka naarta “hell fire Missile” ayaa duqeyn ba’an u geystay dad rayid ah oo ku noolaa deegaanka Hoombooy oo hoostagga degmada Jilib.
Inkastoo Afrikom ay ku doodeen in duqeynta lagu dilay saraakiil Alshabaab ah, haddana cadeymaha iyo siwarada laga soo qaaday goobta ayaa xaqiijiyey in la dilay nin beeraley ah oo lagu magacaabi jiray Sidii Maxamed Macalin.


Markale Bishan Maarso, diyaaradaha Mareykanka oo isticmaalyey gantaal ku shaqeynaya awoodda “rocket power” ayaa duqeyn ku halageeyey baabuur yar oo ay la socdeen wadaado suufi ah kuwaasi oo ka yimid siyaar, gobolka shabeelaha Hoose.
Sidoo Kale Aqri..Qoraalkan ayaa Ku Qornaa Gantaal Mareykanka Ku Duqeyeen J/dhexe
Dhamaan dadka la dilay waxa ay ahaayeen “hal qoys”, dad ka tirsan qaraabada dadkii geeriyooday oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in baabuurka dadkii saarna iyo hilbahooda ay isku darsameen.


