2 Qish Oo Ku Saabsan Imitixaanka Dowladda ee Shahaadiga

La Wadaag Asxaabtaada

in ka badan 60,000 arday ayaa lagu wadaa in sanadkan in ay u fadhiistaan imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare, tiro aan yareyn oo ka mid ah ardaydaas wax ay dhax maquurayaan wax lagu sifeyn karo “Walwal” , hadii aad ka mid tahay ardaydaasi warbixintan adiga ayey ku quseysaa.


Xaqiiqonews-

Sanado badan oo noolsheyda ka mid ah waxa aan ku qarash gareeyey “waxbarasho”, taasina waa sababta aan u jecleystay in aan halkani idinkula wadaago qaar ka mid ah khibradihii aan bartay intii aan soo galaayey imtixaano kala duwan.

2-Waa Imtixaan ma ahan Ciqaab

Ma soo koobi karo inta jeer ee aan imtixaanka siiyey daneyntii loo bahnaa ka badan taasi oo keentay natiijo aan filaneynin.

Waxa aan xasuustii imtixaanadii ugu badnaa ee natiijo fiican aan keeno waxa ay ahaayeen kuwa “aanan daneyn jirin”, taasi macnaheedu ma ahan in aad imtixaanka dayacdo, hase yeeshee waa lagama maarmaan in aad imtixaanka ugu fikirto qaab ka duwan muuqaalka qalbikaada ku jira.

Sheekadan hoose waxa ay ku dhacday gabar Naadiya la dhaho oo u dhalatay wadanka carbeed ee Masar.

Naadiya waxa ay ka cabsan jirtay in weyso darajada ay rabto in ay ka keento imtixaan dowliga ee dugsiga sare si ay u gasho kuliyadda caafimaadka.

Ugu yaraan maalintii waxa ay aqris ku bixin jirtay 10 saacadood oo xiriir ah, habeenkii inyar unbey hurdi jirtay, xaaladdan cabsida leh Naadiya waxa ay ku sababtay caafimaad darro, taasi oo ku qasabtay in u gasho isbitaal.

Naadiya oohin ayaa u dheereyd cabsida, waxa ayna mar walbo ka cabsi qabtay in ay keensan weyso darajo u qalanto kuliyadda caafimaadka ee ay ku riyoon jirtay.

Waxaa la gaaray maalinkii imtixaanka, Cabsi ay ka qabto imtixaanka darteed Naadiya ma aysan aadin imtixaanka, waxa ayna halkaasi ku weysay wixii ay ka cabsan jirtay in ay weyso!!!

Sidoo Kale Aqri..https://xaqiiqonews.com/u-gaar-ah-ardayda-form-four-ee-isku-diyaarinaaya-imtixaanka-dowladdaaqriso-maaddo-muhiim-ah/

1-Waxaad tahay Arday, ma tihid Macalin

Qofka saxaya imtixaanka waxa uu ogyahay in aad tahay arday, sidaa darteed kaama filaayo in aad buuxiso meel walbo oo banaan.

Maxaad naftaada ugu dhibeysaa in aad noqoto “xiddiga Imtixaanka”? is daji hadii aad awoodda in aad warqadda oo dhan ka shaqeyso looma baahdeen in tijaabo lagaa qaado, adiga ayaa tijaabada qaadi lahaa.

Taasi macnaheedu ma ahan in aadan ka shaqeynin imtixaanka oo dhan, habka ugu fiican ee imtixaan looga shaqeeyo waxa ay tahay in aad ka xoogga saarto marka hore inta aad taqaano.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada