2 Sabab Oo Ciidanka Mareykana Ku Qasbay In Soomaliya Ka Baxaan

-

Wey na caawiyaan ama wey nagu soo duuleen wixii aad rabto iska aaminsanow, waxaa jirta xaqiiqo aan la inikiri karin : Ciidanka Mareykanka wixii ay noo galeen wixii ay naga gudeen ayaa ka badan.


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMANTIIS

Hadii uu jiro waji aan ugu mahadcelin karno Trump , waxaan dhihi lahaa go’aankan Trump uu ciidamadiisa Soomaaliya uga saarayo ayaa naga mudan in aan uga mahadcelino mahadsanid Trump.

Warka: Trump ayaa jimcadii tagtay amar ku bixiyey ciidamada Mereykanka- oo lagu qiyaasay 700 askari- in laga soo saaro gudaha Soomaaliya, dhacdadaas oo wajiyo badan loo fasiray.

Dhammaadkiisa: Waa ay iska muuqatay maalin un Mareykanka in uu iskaga bixi doono Soomaaliya, laakiin arinta jahawareerka keentay waxa aheyd: maxay xilligan uga soo aaday? maxay xilliga Trump ugu soo beegantay?

Waxaan sabarsiinayaa Df-ka iyo qof walbo oo aaminsanaa waxtarka joogitaanka ciidanka Mareykanka, asxaabta aan jeclahayow Mareykanka ilmahiisa ayuu badbaadsay-marka iska samra.

Taasi waa ay dhacday, uma baahna fasiraad dheeri ah, laakiin arinta falanqeynta nooga baahan waxa ay tahay maxaa ku qasbay xilligan ciidanka Mareykanka in ay baxaan.

Sabab Dhaqaale

Trump waxa uu aad uga takhasusay cilmiga dhaqaalaha, tallaabada ciidamadiisa uga saaray Soomaaliya ma aheyn mid “laab lakac ah”, amarka waxa uu ku saabsanaa “ka bixitaanka Soomaaliya” hase yeeshee u jeedka waxa uu ahaa badbaadinta dhaqaalaha sii dumaya ee Mareykanka taasi oo uu uga sii daray saf marka Covid-19.

Mahadsanid Trump waxa aad badbaadisay dhaqaalahiina, sidoo kale waxa aad badbaadisay dadkeena.

Sabab isbadal-dagaal

Sabab kale oo lagu doodi karo waxa waaye, Mareykanka kama bixin Soomaaliya, madaama ciidankiisa oo kaliya uu la baxaayo, taasi macnaheedu waxa waaye qabablkiisa dagaalka sida darooniska oo kale waa ay sii jiri doonaan.

Wajigga dagaaalka oo isbadala kama dhigna “dhammaadka dagaalka”, John iyo Jemis dalka waa laga saaray balse Mq-predator iyo qalabyada biiba ee wax dila waxa ay ku sii jiri doonaan Soomaaliya, sida amarka Trump ku jirtay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...