“2017 sax, kax, bax fax,shax tix, nax lux” vs “2018 sursur,barbar,qurqur #Xogta Xaqiiqonews

-

Dhamaadka sanadkii 2016-kii ilaa Bilowga sanadkii 2017-da waxaa baraha bulshada qabsaday hees aysan dad badan ogeyn macnaha dhabta ah ee ka danbeeysa heesta, balse waxa kaliya ee dadka madaxa ay la ruxayeen waxa ay aheyd hooriska heesta oo ku soo dhamaanaayey ereyo ay ka mid ahaayeen “kix, tix, sax, dhax, shax iwm.

Markale sanadkan cusub waxaa markale baraha bulshada qabsaday hees aan wax badan ka duwaneyn tii hore, si la mid ah sanadkii hore waxa ay markale dadweynaha la jaanqaadeen hooriska heesta oo ku dhamaaneya ereyo isku laxan ah sida “sursur,barbar,qurqur.carcar”.

Shabakadda baahisa wararka qarsoon ee xaqiiqonews waxa ay warbxintan si gaar ah uga lafa guri doontaa,xariirka ka dhaxeeya labada hees, iyo suurtagalnimada in ay hal u jeedo iyo dano isku mid ah wada leeyihiin labada Abwaan ee sameeyay heesaha isku eg, iyo waliba labada fanaan ee ku luuqeeyey heesaha oo dhamaantood ka soo wada jeeda hal beel oo ah beesha daarood.

waxaana ku soo koobeynaa xariirka labadan hees ilaa dhowr qodob oo ay ugu horeyso:

1. Isku egaanshaha fanaaniinta iyo abwaanada

Abwaanada heesta sameeyey ayaa isku heeb ah, sidaasi si la mid ah fanaaniinta heesta qaaday oo kala ah deeqo afro iyo omaar ayaa ka soo jeeda beesha Daarood.

2.Xagga Shacbiyada

labada hees ayaa helay shacbiyad iyo taageerayaaal badan,mid kastana waxa ay noqotay hees ka soo shaac baxay heesaha ay isku waqtiga yihiin.

3. Xagga Hooriska

labada hees ayaa iskaga eg dhanka hooriska waxaana mid walibana ay ku dhamaaneysaa ereyo isku mid ah
tusaale heesta Deqo afro waxaaa ka mid ah ereyadan hoose:

Saaxiib anigaa ku jecel sax
Hadaan caashaqa la ahay kax
Hadaad itidhaa ma uun bax
Jidhkaba dhididbaa ka uroo fax
Hurdada sidii tusbixii tax
Ishqiga udajisay shax
Jacayl dhaawaciisiibaa ax
Aniga igu riday habeen dhax
Qalbiyow wixii xunba kaba nax
Macaan laan ubaxleh I lux
Isagaa iga mudan inaan tix
Katiriyaa jacaylkan uun wax

halka heesta omaar iyaduna ay ka mid ahaayeen ereyadan hoose:

anoo u jiifa qurqur
jacayl ku xiray sarsar
intuu i galiyay dar dar
ayuu ii tuuray bar bar
dhiigana ma u raacay farfar
intuu soo celiyay car car
qalbiga ma hantiyay oo oo
caashaqu ma iqaaday kor kor
heleey heleey heleeyo
nacab yaanu samaynin fur fur
caashaqa ka badbaadi bur bur
jacaylka waraabi dur dur

4- Xagga u jeedada
isku egaanshaha labada hees waxaa ka mid ah u jeedka labada hees oo hal meel u socdo, inkastoo labada heesba ay u uu muuqdaan heeso jaceyl balse xaqiiqonews waxa ay u ifineysaa dadweynaha suurtagalnimada in labada heesba laga leeyahay u jeedooyin siyaasadeed.

Abwaan buraaw waxaa uu leeyahay ma fahmin u jeedka ereyadan:

wahabka ka ilaali war war
warkayguna gaadhin yar yar
wixii dibindaabyo wada dar dar

waxaa uuna ku doodayaa abwaanka in aysan dhicin karin in jaceyla loo isticmaalo ereyo goodin ah badalkeedana hadii qof uu doonaayo in uu waaniyo qof uu jecelyahay waxa uu si sugaan ah ku oran jiray ” ilaali jaceylka, ha burin wacadka, balanta adkey iwm balse gaar ahaan weedhan waa tix u baahan in la fahmo “wixii dibindaabyo wada dar dar”

Abwaan kale ayaa waxaa uu leeyahay “hadii aan dhihi lahaa heestan waxa ay ku socotaa farmaajo iyo dardaaran la siinaayo, waxaan ka baqayaa in aan fududaado oo waxaa laga yaaba in abwaanka si kale ka wado balse labada xaalad ay aad isku egaadeen.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...