2020 Maxaa Ku Soo Kordhay Matoor Soomaaligii “dhaqaajiye1”?

-

Dadka aan aqoon “dhaqaajiye 1” waa matoor casri ah oo howshiisa ay socoto, waxaana mas’uuliyadda sameynta matoorkan min bilow ilaa dhamaad dhabarta u ridday kooxda farsamada ee “Haad”.


Xaqiiqonews-Farsamo/ Tiknoolaji

Kooxda qaabilsan farsameynta Matoorkan ayaa sanadkan 2020 u calaamadeeyey in uu noqon doono sanad wax badan laga qaban doono horumarinta matoorka dhaqaajiye 1.

“Sanadkan si gaar ah waxa aan xoogga u saari doona xagga kordhinta xawaaraha, arintani oo ah waxa go’aamin doono shaqada uu qaban doono matoorka” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo ka mid ah dhallinyarada ku howlan farsamada matoorkan.

Sidoo Kale Aqriso..Soomaaliya Oo Iska diiday Carab iyo Afrika Kuna Biirtay Wadamada Horumary!

Cabdiraxmaan oo hadalka sii wata ayaa sheegay in shaqada kooxdani ay wadaan ay ilaa hadda ku socoto qaab wanaagsan, waxaa kale oo uu sheegay in ay waxqabadkooda iyo riyooyinkooda tallaabo tallaabo ula wadaagi doonaan dadka isaga oo yiri “waxa imaan doonto maalin dadka ay loo shooki doona waxqabadka dhalinyaradan soomaaliyeed”

Dhaqaajiye1 waa magaca rasmiga ee uu qaatay matoor soomaali ah, kaasi oo 100% lagu sameeyey Soomaaliya, hase yeeshee sababo nashqadeyn iyo casriyeyn dartood matoorkani wali waxa uu saaran yahay “miiska shaqada”.

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...