Markii ay ka baxday Midowga Yurub, malaha dowladda waxa ay u baahantahay cadow cusub wayna iska cadahay cadowga waxaa noqon doono Scotland iyo Walis oo iyadana ku daba jirta, sida uu aaminsan yahay barfasoor Rob Ford oo cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Manchester
XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA
2021 waxa uu noqon doonaa sanad adag oo ay wajahi doonaan 4-ta dal ee ku mideysan Boqortooyada Midowday Uk.
Nidaamka ka bixitaanka Uk ee midowga Yurub ee kaasi oo sanado badan qaatay ma ahan oo kaliya kala bixitaanka Uk iyo Yurub, sidoo kale waxa uu hor u dhacay u yahay kala bixitaanka la saadaalin karo ee Uk iyo Ireland, Sctoland iyo Uk iyo waliba Walis iyo Uk.
“Markii ay ka baxday Midowga Yurub, malaha dowladda waxa ay u baahantahay cadow cusub wayna iska cadahay cadowga waxaa noqon doono Scotland iyo Walis oo iyadana ku daba jirta” ayuu yiri barfasoor Rob Ford oo cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Manchester.
Sidoo Kale Aqri: Bbc-da Oo Ku Dhaw in Albaabada Layskugu Dhufto!
Rob Ford ayaa intaasi ku daray “Dad badan oo ka tirsan xibsiga Conservatives-ka waxa daneyn ah ma siiyaan midnimada, wadamada kale waxa ay u arkaan sida kuwa ciriiri ah oo uk ay biisho.”
Waa kuwee Dowladaha Ku Mideysan Uk?
Uk waxa ay ka koobantahay 4 dal oo kala madax banaan kuwaasi oo ku midoobay boqortooyada, wadamadaas ayaa waxa ay kala yihiin, England oo caasimadiisu tahay London, Waqooyiga Ireland oo ay caasimad u tahay Belfast, Sctoland oo caasimadiisu tahay Edinburgh iyo Walis oo caasimadiisu tahay Cardiff, iyadoo guud ahaan boqortooyada ay xarun u tahay London.
Uk Ma Ku Kala Qeybsantahay Heshiiska ka Bixitaanka Yurub?
Heshiiska Kala bixitaanka Midowga Yurub iyo uK kaasi oo loogu magac daray “Brexit” waxaa aad uga soo horjeeda Ireland, wasiirka arimaha dibadda ee Ireland ayaa yiri “ma ahan wax lagu farxo heshiiska Brexit”.
Dhanka kale Scotland ayaa ku doodeysa in xalka kaliya ee looga hortagi karo waxa ay ugu yeereen “musiibada Breixt” ay tahay in ay iskaga go’aan Uk inteeda kale intii goori goor tahay.