212 Kg Ayuu Iska Jaray..Ma Maleysan Kartid Waxa Uu Sameeyey

-

Wiilkan dhalinyarada Turkishka ah, miisaankiisa ayuu ka jaray culeys dhan 212 Kg muddo lix bilood ah gudahood, qaabka uu arintani u sameeyey ayaana ah mid uusan caqliga ku fikireyn.


Xaqiiqonews-Caafimaad

Jariidada “Haberler magazin” ayaa qortay sheekada Akin Türkoglu oo ah 22 jir Turki ah kana soo jeeda gobolka Zonguldak,sida uu wargeyska qoray wiilla ayaa aad u jeclaa cuntada tan iyo caruurnimadiisa, taasi oo keentay heer uu miisaankiisu gaaray 296 Kg.

Wargeyska ayaa sheekada ku xusay dhacdo qabsatay Akin markii uu guur ka dalbaday jaceylkiisa, balse qoyska gabadha ay guurka u diideen cayilkiisa darteed.

Sidoo kale Aqri..Dil Cajiib Ah, Waxaa Laga Yaabaa In Aadan Waligaa Maqal!

Wargeyska ayaa soo xigtay hadalka Akin isaga oo leh “waan ka carooday diidmada guurka, waxaana bilaabay in aan tartan la sameeyo waqtiga, oo aan miisaanka iska jaro, si aan labis qurxoon u xirto xafladda qalin jabinta jaceylkeyga”.

Akin ayaa sheegay intii uu ku guda jiray safarkiisa miisaan dhimista in cuntadiisa ay ahaayeen biyo iyo maraq bes ah, waxa uuna xusay in uusan wax khabiir cunto ah la tashan intii uu howsha miisaan jarista waday.

Waxa uu intaasi ku daray “25 km ayaana maalin walbo lugeyn jiray, baabuurna ma raacin muddo bilo ah, socod kaliya ayaan howlaheyga ku qabsan jiray”.

Akin ayaa ku guuleysta miisankiisa in uu ka dhimo212 kg muddo lix bilood ah, waxa uuna miisaankiisu noqday 84Kg.

Wiilkani dhalinyarada ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsanyahay isbadalka cusub, inkastoo jaceylkiisii hore ay kala tageen, isaga oo yiri “waxa aan rajeynayaa mustaqbalka in aan la kulmo gabar igu jecel qofka aan hay”.

Ugu dambeyntii Akin ayaa kula dardaarmay biyo cab iyo socod dheer dadka doonaya in ay miisaankooda dhimaan.

Wararka U Dambeeyey

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...