Tan iyo markii la magacaabay wasiirada cusub waxaa soo baxay dhaleeceyn badan oo ku aadan qaabka loo qeybiyey wasiirada iydoo beelahab qaar ay tabanayaan dulmi waxaana durabadiiba is casilay C/raxmaan Maxamed Cabdulle Jaabir oo kamid ah liiska wasiirada uu ku dhawaaqay Xasan Cali Kheyre isagoo sheegay inuusan uqalmin xilkaas loo magacaabay.
Waxaa uu kasoo jeedaa beesha Daarood, Harti, Awtable, waxaana uu sheegay inaan la tashi lagala sameyn xilkaas loo magacaabay.
dhanka kale waxaa saakay is casilay Wasiiru dowlaha lagu magacaabaa C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi waxaana shalay loo magacaabay Wasiiru Dowlaaha Wasaarada Cadaalada ee Xukuumada Soomaaliya.
Warar ayaa sheegaya in sababta uu isku casilay ay ka dambeysay kadib markii uu cadaadis daran kala kulmay Beeshiisa sida illo wareedyo inoo xaqiijiyeen waxa uuna noqonayaa Masuulkii labaad oo mudo ka yar 24 saac isaga taga shaqadii loo magacaabay waxaana ka horeyay Wasiiru dowlaha Waxbarashada C/raxmaan Maxamed Cabdulle Jaabir oo kamid ah liiska wasiirada uu ku dhawaaqay shalay R/wasaare Xasan Cali Kheyre oo isana iscasilay.
halkan hoose ka daawo xildhibaan Abdi Idiris tagar oo ka horjeystay Wasiirada cusub
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]
24 saac ka yar waxaa is casilay 2 wasiir+daawo xildhibaan shir jaraa,id qabtay oo ka soo horjeestay wasiirada
-