28-ka Ramadaan Muslimiinta Dhan Waxaa Fuulaya Waajiba Cusub oo ay tahay in ay Sameeyan#sababta

La Wadaag Asxaabtaada

Maanta oo kale 28-ka Ramadaan sanadkii 2aad ee Hijiryada waxaa muslimiinta lagu waajib yeelay Zakatul Fidri oo ah Sadaqo la Siiyo dadka baahan lagana rabo in uu bixiyo qof kasta oo heysta quudka isaga iyo ciyaalkiisa wax ka badan maalintaas.

Bixinta Zakatul-fidriga ayaa bilaabaneysa marka ay qorraxda dhaco laga bilaabo maanta ilaa waqti yar ka hor salaadda ciidda.

Sunnada ayaa ah in qofka uu bixiyo sadaqadani wax yar ka hor salaada ciida balse wey u banaantahay qofka in uu sii bixiyo maalin ama labo maalin kaa hor ciidda.

Dhacdooyinka lagu xasuusto maanta oo kale 28-ka Ramadaan in ay dhaceen

1_maanta oo kale 28-ka Ramadaan NABIGA SCW ayaa guursaday hooyadeen Zeynaba Bintu Khuzeymah oo lagu naaneysi jiray Umu-masaakiin(hooyadii masaakiinta)

2_maanta oo kale 28-ka ramadaan waxaa diinta soo galay qabiilka reer banii thaqiif waxa ayna ku dhawaaqeen in ay dhmaantood soo islaameen

3_maanta oo kale 28-ka Ramadaan sanadkii 92-aad ee Hijriyada waxaa musliinta ay ku guuleysteen dagaalkii Shuduuna waana dagaalkii muslimiinta ay ku furteen dhulkii Andulus loo yaqiinay(Spain hadda loo yaqaan)

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada