3 Nooc Oo Cunto Ah Oo Kor U Qaado Wahsiga iyo Caajiska

La Wadaag Asxaabtaada

Waxaa jira noocyo badan oo cunto ah oo kor u qaada wahsiga qofka, sidaa darteed dhaqaatiirta ayaa dadka kula taliye in la iskaga fogaado cuntooyinkan intii suurtagal ah.

Xaqiiqonews-Caafimaad

Website-ka “WebMD” ee ka faalooda arimaha caafimaadka , ayaa qoray dhowr nooc oo cunto ah oo kor u qaada wahsiga qofka, sidoo kale cuntooyinkan ayaa yareeya tamarta qofka.

Burka Cad

Sida Xaqiiqonews ay soo tarjumtay, khubarada ayaa dadka kula taliyey in ay cunaan rootiga ka sameysan burka midibka leh, sababtoo ah burka cad ayaa qani ku ah Carbohydarte fara badan .taasi oo kor u qaadeysa sokorta dhiigga, ka dibna firfircooni gaaban ayuu qofka helayaa , hase yeeshe wax yar ka dib si aad ayey hoos ugu dhaceysaa.

balse burka midibka leh sida kan ka sameysan qamadiga ayaa waxa ay qaadaneysaa waqti dheer in uu jirka qaato, taasi oo qofka ka kaalmeyneysa in uu helo firfircooni qaadata waqti dheer.

Cuntada Lagu Shiilay saliidda

Dad badan oo soomaali ah ayaa caado ka dhigtay in ay afurka cunaan cuuntooyinka lagu kariyey saliida sida Sanbuurska iyo burka.

Khubrada Caafimaadka Ee Website-ka “WebMD” waxa ay leeyihiin iska ilaali cuntooyinka lagu shiilay saliidda ama dufinka.

Cuntooyinkan noocan ah ayaa wata saliida jirka dhibeysa, sidoo kale cuntooyinka si sahal looma dheefshiidi karo, sidaa darteed
badalkii uu jirka ka heli lahaa awood, jirka waxa uu ku lumiyaa tamar sidii loo dheefshiidi lahaa, taaso qofka ku keeneysaa awood yari iyo caajis fara badan.

Cabitaanada loo yaqaan “Power Drinks”

Dadka qaar ayaa u heysta in isticmaalka “power drinks” ay tahay mid siineysa firfircooni, hase yeeshee fikradaasi waa khalad.

Cabitaanada “Power Drinks’ ayaa u sameysan qaabka awoodsiinta watiga gaaban, waqti yar gudahiisa ayey jirka siinayaan sokor badan, qofka waxa uu dareemayaa firfircooni waqti yar ah, intaasi ka dib waxa si aan caadi aheyn hoos ugu dhigayaan sokorta jirka taasi oo sababeysa Wahsi iyo qofka oo wax rabitaan ah u heyn in uu wax qabto.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada