3 Qaab Oo Aad Ku Sii Badqabi Karto Xilliga Karoonaha Iyo Ciidda

Hadii aa Soomaali nahay waa necebnahay guri jooga, Talooyinka wasaaradda Caafimaadka ee ka imaanaya marwo Fowsiyo iyo kooxdeeda waxa aan u aragnaa “mid aan lo baahneyn”, waa sax, haddaba halkani waxa aan idinku soo gudbineynaa qodobo kaa caawinaya in aad ilaashato badqabkaada xitaa adiga oo guriga ka baxay.


Xaqiiqonews-Caafimaad

Bilihii ugu dambeyay waxaa dhagaheena roob camal uga soo dhacaayey kalmadda stay home “gurigaada fadhiiso”,laakiin dadka qaar macquul uma ahan in ay guriga iska fadhiyaan goor walba,waxaana loo baahanyahay in aan raadino “xal badal ah”, halkii aan iskaga dheganaan laheyd hal nooc oo badbaado raadin ah.

Waxaa jira fikrad u dhaxeysa ee labada fikir ee kala ah “gurigaada fadhiiso” iyo kan kale ee ah “qaabkii hore ha noola fasaxo”.

1-Nadaafadda Ilaali

Waxaa laga yaabaa in aad eraygani maqashay kun jeer ka badan, balse waa eray mudan in lagu celceliyo, gacmaha si fiican iskaga dhaq, wajigana ha taaban, ha ku taaban gacmahaaga goobaha caamka ah ee dadka ka dhaxeeya sida baalayaasha darbiyada iyo xitaa baabuurta.

Sidoo Kale Aqri.. Dhaqtar Dunida Ka Farxiyey Oo Leh..Karoona Wuu Dhamaaday Khalaas

Khubarada ayaa aaminsan in fayruska uu ku dul noolaan karo oogooyinka shayyaasha, saacado ama xitaa maalmo.

Haa, faydhowrka wanaagsan wax wuu kuu tarayaa, inkastoo dhowr jeer nagula soo celceliyey “nadaafadda ilaali”, haddana haa waa arin ku anfaceysa waa hadii aad rabto in aad naftaada ka yareyso qatarta aad ku qaadi karto Fayruska.

2- Si Fiican u labiso

Maaskaraha afka lagu xirto, waa muhiim marka aan ka fikireyno qaababka aan u yareyn karno qataraha nafteena iyo asxaabteena ka soo gaaraya fayruska Covid-19.

Sidaa darteed hadii diyaarsatay dhiir ciideed aad uga talagashay ciidani, ha ka iloowin maaskaraha waa dhameystirka labiskaada iyo caafimaadkaada.

3-Iska ilaali goobaha aadka u saxmadda badan

In aad iska ilaaliso goobaha saxmadda kama badbaadin fayruska naftaada oo kaliya, sidoo kale waxa aad ka hortaktay qatartii fayruska ugu sii gudbi lahaa dad kale.

Ugu dambeyntii muhiim ma ahan in aad si dhameytiran u sameyso waxyaabaha aan sheegnay oo dhan, laakiin waa ku wanaagsantahay in aad wax un sameyso si aad u yareyso qataraha.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA