3 Qaab Oo Magacaada Aad Ku Gaarsiin Karta Meeraha Mars

-

Hay’adda xiddigiska u qaabilsan Mareykanka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan NASA, ayaa dadka siisay fursad ay magacyadooda ugu diri karaan Mars, waxaana magacyada la raacin doonaa markab-xidigeedyada dhawaan loo diri doona meeraha gaduudan.


XAQIIQO NEWS- XIDDIGISKA

Hay’adda NASA, ayaa tuwiterkeeda ku soo qortay in ay hay’adda ay fulisay howlgalkii “Mars-2020” , howlgalkaasi oo noqonaya kii ugu horeeyey oo leh “baxid iyo soo noqosho” loogu baxo Mars, howlgalka ayaana dhacay dhammaadkii bishii July ee 2020, waxaana la filayaa in safarkaasi uu gaaro oogada Mars, bisha Febaraayo 2021.

Sida Xaqiiqonews ay ka soo xiganeyso NASA, markab-xidigeedkii 2020, waxaa la raaciyey in ka badan 10 milyan oo magacyo ah, hay’adda ayaana uga baaqeysa dadkii fursaddi 2020 ay dhaaftay in is diwaangeliyaan oo magacyadooda ay ku daraan safarka bixi doono 2026.

Sidoo Kale Aqri..NASA Oo Aabhisay Sawirrada Qoys Ku Nool Meeraha Mars!

Qof walba oo arintani daneynaya waa uu is diwaan gelin karaa kaliya isaga oo raacaya tallaabooyin fudud, marka hore waxa uu booqanayaa Webseeka NASA, dabadeedna waxa uu buuxinayaa 5 meel ee banaan, oo ay ku jiraan magaca koowaad, magaca labaad, waddanka uu qofka joogo, Furaha boostada iyo E-codeka.

Marka aad buuxiso meelaha banaan, waxaa kuu soo bixi doono kaarka tigidka Mars, oo ku qoran magaacaada, qeybta hoose ee kaarka waxaad arki doontaa kalimadda dir “Send”, marka aad riixdi badhankaasi afar geeska ah, waxaa si toos ah taleefonkaada ugu soo dagi doono kaarka tagidka Mars.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...