3 qalad Oo Raggu Ay Galaan Marka Ay U Galmoonayaan Xaasaskooda

-

Ninyow in aad badasho qaabka aad u fikirto, waxa ay hagaajin kartaa nolashaada Galmo, haddaba iskabaro 3-da qalad ee raggu ay ka galaan dumarka Iyo sida looga hortagi karo.


Xaqiiqonews-Caafimaad

Galmada waa mid ka mid ah baahiyaheena maalinlaha ah, sidaa darteed waxba kuma jabna in aan ka hadalno baahiyaheena maalinlaha ah.

Website-ka Caafimaadka ka hadla ee “Web MD” kuna baxa Afla-Ingiriiska ayaa daabacay warbixin dheer oo ka hadleysa Qaladaad aan loo meel dayin oo ragga ay ka galaan dumarkooda inta lagu guda jiro xiriirka galmo.

Sida Xaqiiqonews Ay ka soo tarjuntay Web MD,dumarka ma jecla ragga aan ahmiyad weyn siinin Qaabka qanacsanaanta Dumarkooda ee xagga xiriirka Galmada.

Qalad 1-Waa Ceeb!

xaqiiqdu waxa ay tahay waxa aan dhalanay innaga oo waxa badan aan ka aqoonin dunida nagu hareereysan ” waxaa aana u baahanahay in aan barano waxyaabaha na quseeya ee ku saabsan dhinacyada kala duwan ee nolasha, Galmada ayaana ka mid ah waxyaabaha qofka uu u baahanyahay in uu ka barto aqoon ku filan.

In laga xishooda Galmada Waa dilaa aamusan, oo fara ba’an ku haaya nolasha “lamaanayaal badan” waana cudur ku faafsan dunida oo dhan.

Si kastaba ha ahaate waxa muhiimka ayaa ah in aad raadiso aqoon ku saabsan galmada ka hor inta aadan xiriir la sameynin xaaskaada.

Qalad 2- Galmada Sariirta ka bilaabata

“Ninka waxa uu u daarmayaa sida Nalka, laakiin dumarka dareenkooda sahal kuma kaca” ayuu yiri Ian Kerner, oo ah khabiir mindaawaadka ka heysta PhD.

Sidoo Kale Aqriso: Kala-duwanaashaha-ragga-iyo-dumarka-ee-ku-saabsan-fikirka-galmada.

Waxaa fiican in ninka uu wadada u xaaro maalintii oo dhan xiriirkii galmo ee habeenkaas dhici lahaa, shuminta, fara ka ciyaarka iyo kaftanka gacmaha la iskula taga ayaa dumarka dareensiin kara farxad, tus in aad qiimeyneyso

Galmada “Mar-soo boodka ah” ee aanu ka horeynin wax fara ka ciyaar ama baashaal ayaa dumarka waxa ay uga dhigantahay “Kufsi -sharciyeesan”.

Qalad 3- Adiga oo aan Isbadal La imaaneyn

“Hadii seddexdii mar ugu dambeysay ay kuu shaqeysay kaartadaasi, ha u maleynin in seddexda mar xigta ay sii shaqeyn karto isla kaartadaasi” sidaasi waxaa yiri dhaqtar Sari Cooper oo ku takhasusay cilaajka iyo Mindaawadka.

Gabadha Waxa soo jiidan kara mar walbo waxa ay ku xiran tahay xaaladda ay ku sugantahay,, sidaa darteed ogow dareeenka lamaanahaaga lana imow isbadal.

Lonnie Barbach oo cilmiga nafta ka heysta shahaada PhD waxa uu aaminsanyahay “Sameey waxyaabo kala duwan, dhugna u yeelo sida ay ugu jawaabeyso”

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...