3 Qof Dartood Ayaa Loo Xayiray 3 Milyan Oo Qof

La Wadaag Asxaabtaada

Dad isticmaala baraha bulshada ayaa ka hadlay waddooyink caasimadda oo xiran sababo la xariira shir lagu wado in ay iskugu yimaadaan Deni, Axmed Madoobe iyo Farmaajo.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Waddooyinka ku dhow Garoonka Aadan Cadde ayaa gabi ahaan la xiray, halkaas oo sida la sheegay ay saacadaha soo socda ka soo dagi doonaan Axmed Madoobe iyo Deni.

Waxaa sidoo kale la xiray qeybo badan oo ka mid ah waddada Makka Al-Mukarrama iyo dhammaan jidadka dhinac mara xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaha Puntland, iyo madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Jubbaland ayaa lagu wadaa in yimaadaan Muqdisho halkaasi oo ay kula kulmi doonaan madaxweynaha waqtigiisa sii dhamanaya ee Farmaajo.

Sidoo Kale Aqri..Indhahan Mid Dooro..Si Aad U ogaato Qofka Aad Tahay

Dadka adeegsada baraha bulshada ayaa cadaalad darro ku qeexay in wadooyinka laga xiro dad ka badan seddex milyan qof, iyada oo la ilaalinaayo amaanka 3 qof oo shireysa.

Halkan hoose Ka Daawo Muuqaal Meyd Garab Lagu Wado Ka Dib Wadooyinka Markii Loo xiray Shirka la Filaayo
FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada