3 Quraafaad Oo wili Aad Aaminsantahay!

-

Dhamaanteen waxaan nahay bani’aadam, waana arin iska caadi ah in mararka qaar aan aaminsanahay waxyaabo khalad ah oo nagala soo dhaadhiciyey, balse xalka ugu fiican ayaa ah in aad ogaato khaladkaada si aad u saxdo.


Xaqiiqonews-Isbar-Horumarinta Nafta

Qodobada soo socda waa waxyaabo ay aaminsanyihiin dadka qaar, ku darso waxaa jira dad wali aaminsan, hadii aadan igu raacsaneyn fadlan fikirkaada ku dhiibo qeybta Faallooyinka.

-Waxbaro si Aad Taajir U Noqoto.

“Waxbarashadu” waxa ay leedahay qeexitaan gaar ah, halka “Taajirnimaduna” ay leedahay qeexitaan gooni ah, Waajib miyaa qofka in uu leeyahay Waxbarasho heer sare ah si uu u sameeyo lacag badan?

Waxaan dhihi lahaa “Maya” taasina macanheedu ma ahan in qofka waxbartay uusan sameyn karin Lacag, hase yeeshee in la isku xiro lacagta iyo waxbarashada oo waa quraafaad caalami ah oo laga aaminsanyaay meelo badan oo dunida ka mid ah.

Sidoo Kale Aqri Aamin ama ha Aamini..Arintani Waa Ay Dhaceysaa!

Robert Kiyosaki,iyo Sharon Lechter, oo ah qorayaasha buugga caanka ah ee ciwaankiisu yahay “aabo faqiir ah, aabo taajir ah (“rich dad Poor dad) ayaa aaminsan in Waxbarashada ay tahay wadda dheer oo mararka qaar qofka ka dhumin karta in uu helo wadada lacagta.

Alif Wax Maleh Naag Wax Ma Leh

Wali dumarka waxa ay wajahayaan dhibaatadii ay la soo noolaayeen “Ayeeyooyinkeen” , wilina bulshadeenu waxa ay dumarrka u aragtaa garab “Daciif ah” .

Haa waa run ragga ayaa dumarka kaga awood badan marka ay laga hadlaayo xoogga jireed ee muuqda, dhanka kalase dumarka waxa ay leeyihiin waxyaabo ay kaga xoog badan yihiin ragga taasina waxaa sabab u ah abuuritaankooda jireed oo wax xoogaa ka badalan kan ragga.

Ugu dambeyn waan in aan aaminaa in ragga iyo dumarkaba mid walbaa uu leeyahay meelo uu kaga fiican yahay kan kale.

Qabiilkeyga ayaa ugu fiican

i aamin ma tihid adiga boqorka aduunka dabcan aniguna ma ihi, dhamaanteen waxaan nahay isku-tayo, waa arin xaqiiqda ka fog marka aad maqasho qof sheeganaya in uu ka fiicanyahay qof kale sababtuna aysan aheyn waxkale kaliya uga faanaya in uu ka nasabsanyahay.

Waxaa la joogaa waqtigii aan dib u furfuri laheyn “dabarka beenta” islmarkaana aan u fikir laheyn si ka duwan sidii noola baray in aan u fikirno.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...