3 Sabab Oo Sahlay In Gantaalada Muqaawamada Ka Gudbaan Difaaca Israa’iil

La Wadaag Asxaabtaada

Waxaa wili sii xoogeysanaya xiisadda ka dhalatay xadgudubka Yahuuddu ay ka wado dhulka Falastiin, diyaaradaha Yahuudda ayaa duqeymo aan kala joogsi laheyn ku haayo magaalada Ghaza, halka Falastiiniyiinta ay iskaga caabinayaan gantaalada ridida fog.


XAQIIQO NEWS- WARRAKA DIBADDA

Diyaaradaha Yahuudda ayaa wado duqeymo ay ku burburinayaan dhismayaal caan ah oo Ghaza ku yaalla, waxaana jiro dad ku shahiiday duqeynta iyo kuwa kale oo dhaawac ka soo gaaray waxyeelada duqeynta.

Xilli ay socdaan xadgudubyada Yahuudda, ayaa dhanka kale dad kumaanaan waxa ay saakay salaaddii ciidda ku oogeen masjidka Al-aqsaa.

Dhankooda kooxaha muqaawamada Falastiiniyiinta ayaa sheegay in aysan wax dadaal ka reebaneynin difaacidda “Qudus” , waxa ayna tuureen tan iyo bilowgii dagaalka tiro ka badan 500 oo gantaal.

Gudaha Israel waxaa haleelay gantaallo dhowr ah kuwaasi oo ka gudbay difaacyada cirka Israel ee loo yaqaan “kOOFIYADDA BIRTA”. (Iron Dome)

Tiradii ugu badneyd taariikhda ee gantaalaha muqaawada ayaa ka gudbay difaaca Isreal, waxaana la is weydiinayaa sababta fududeysay in gantaalaha ay ka dusaan difaacyadaas adag.

Tirada Gantaalaha.

Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in tirada gantaalaha oo aad u badan ay tahay mid ka mid ah waxyaabaha sahlay in difaacyada Israel la jabsado.

Afhayeen u hadlay kooxda Al- Qasaam ayaa sheegay in 5 daqiiqo gudahood ay tuureen 135 gantaal.

Difaacyada “Koofiyadda birta” awood uma lahan in halkii mar ay ka hortgaan tiro aad u badan.

Gantaalada Laga Tuurayo Xaglo Kala Duwan

kooxaha muqaawamada ayaa gantaalaha ka tuuray xaglo kala duwan taasi oo difaaca israa’ill ee cirka ka dhigeyso “mid tabar yar”

Xawaaraha Gantaalka

Khubarada waxa ay leeyihiin, kooxaha muqaawamada horumar ayey ka sameeyaan kordhinta xawaaraha gantaalka, taasi oo ka mid ah waxyaabaha cajis gelinaya difaacyada Israa’iil.

Dabcan difaaca “Koofiyadad birta” lama dhihi karo guud ahaan waa mid fashil ah, laakiin waxaa la dhihi karaa ma uusan qaban shaqadii loo idmaday.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada