Waxaa kale oo loogu yeeri karaa “kalmadaha isticmaalka laga badiyey” ama erayo kale hadii aan ku sheegno “nahdii ayaa ka tagtay” waxaan ula jeedaa wax dhadhan ah uma sameynayaan kulanka ama wada sheekeysiga.
XAQIIQO NEWS- HORUMARINTA NAFTA
Maxaa Cusub
Khibradeyda shakhsiga ah , waxaan dhibsadaa marka uu qofka igu bilaabo “maxaa cusub” , waan ogahay waa bilow fiican, balse markii kalmaddan ay noqotay mid soo laalabato kulan walbo, waxa ay isku badashay mid ka qeyb qaadaneysa “wasaqowga dhagaha”.
Ma ahan wax xun markii ay tahay waqtigii saxda ahaa in aad qofka weydiisyo maxaa cusub, laakiin waxa ay noqoneysaa isticmaal darro in weedhan lagu bilaabo wada sheekeysi walbo.
Baarayaal ka tirsan jaamacadda Harvard, oo falanqeyn ku sameeyey 300 oo wada sheekeysi online ah, ayaa waxa ay ogaadeen kuwii lagu bilaabay su’aalo xiiso leh ( aan aheyn sidee tahay, maxaa ka cusub), in ay noqdeen kuwa mira dhalay.
Sidee Tahay
Dhabta aan ka hadalno, badanaa markii qof aad weydiineyso “sidee tahay”, muhiim kuuma ahan jawaabta uu bixin doono, sidoo kalane qofka aad weydiisay isna ma bixin doona jawaab sax ah oo isaga ka tarjumeysa, sidaa darteed khubarada waa ay saxnaayeen markii ay su’aashani ku sharxeen mid “macno darro ah”.
Hagaag, ma rabtaa inaad iska badasho “isbar weydiin-dhaqameedkan”, aadna noqoto qof warkiisa xiiso leeyahay, muhiimadda waa nooca su’aasha aad ku bilowda wada sheekeysiga iyo qaabka aad hadalka u sii wado.
Waa Ku Faraxsanahay
Farxaddu ma ahan wax diyaarsan, waxaa laga dareemi karaa ficiladaada
murti
Waligaa ma la kulantay qof ku dhahaya waan ku faraxsanahay la kulankaada isla markaana hamaansanaya isaga oo wilii weedha aysan afkiisa ka sii dhamaanin? ma aragtay qof ku dhahaya waan ku farxay la kulankaada balse aan aam muujinineynin waxyaabo dhiirigelinaya kulanka ama wada hadalka.
Weedha ah “waan ku faraxsanahay”, waa weedh diblomaasiyasadeed wax macno ahna uguma fadhiso qofka kale.
Ha u isticmaalin farxadda ‘eray ahaan” u muuji ficil ahaan , qaabkaasi wa midka ugu fiican ee aan kula xiriirka karno dadka kale