Warsaxaafadeed ka soo baxay maxakmadda Icj ayaa lagu faafaahiyey xilliga lagu wado in lagu dhawaaqo go’aanka maxakamadda ee ku aadan dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Warka kasoo baxay maxakamadda gelinkii hore ee jimcada ayaa lagu shaaciyey xilliga rasmiga ah ee maxakamadda ay ku dhawaaqeysa go’aanka ku aadan dacwad badeedka Soomaaliya iyo Kenya.
Maxkamadda ayaa sheegtay in 12-ka bisha soo socto ee Oktoobar uu garsoore Joan E. Donoghue aqrin doono go’aanka maxakmadda marka ay saacadU tahay 3:00pm xilliga Heeg (Hague) oo ku aadan 4:00pm waqtiga Muqdisho.
Sanadkii 2014 Df-ka Soomaaliya ee uu hogaaminaayey Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dacwadda Badda u gudbisay maxakmadda ka dib khilaaf iyo madmadow ka dhashay heshiis la sheegay in Kenya ay la saxiixatay dowladdii kumeel gaarka aheyd ee uu hogaaminaayey Shariif sheikh Axmed.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhowr mar is khilaafay arinta la xariirta muranka badda ee u dhaxeeya labada dal, iyada oo Kenya ay dooneysay in muranka lagu xaliyo meel ka baxsan maxkmadda.