Wax badan ayaan maqalnaa aroos lagu xeray shuruudh balse shardigan ka duwan kuwii hore waxaana ninkani uu sameeyey fal yaab leh ka dib markii uu shardi ku xeray gabdhii uu guursan lahaa in ay hesho 500 oo like faceook taasi oo ku tuseysa sida ninkani ay sameyn ugu yeesheen aaladaha bulshada kuwada xariirto.
Amanda oo ah gabadha lagu xeray shardiga ayaa ku fashilantay in ay ku qanciso saaxibkeed in uu guursado waxeyna muddo 10 sano ah ku celcelineysay codsi ah in uu guursado.
hase ahaate ninkani ayaa ugu danbeyn aqbalay guurka hadii gabadhani ay hesho 500 like oo facebook ah waxaana durabadiiba ay gabdhani gelisay ciwaankeeda facebook qoraal ay ku leedahay“intiina og waxaan ninkani aan ka dalbanaayey guurka muddo 10 sano ah balse wuu diidi jiray laakin maanta wuu iga aqbalay laakin waxaa uu igu xeray in aan helo 500 oo like muddo bil ah sidaa darteed waxaan ka codsanayaa saaxibada iyo qaraabada in ay share-gareeyaan qoraalkan si aan like badan u helo”
sida ay qortay jariidada daily mail waxa ay Amanda heshay in ka badan 21,000(kow iyo labaatan kun) oo like ilaa hadda muddo 55 daqiiqo ah.
balse ninka ayaa dhankiisa soo qaray” dadkan oo dhan(dadka like-ta siisayey Amanda) waxa ay iga dalbanayaan in aan guursado Amanda, haa waan guursanayaa sanadka soo socda !”