Kadis ayey ku noqotaa gabdho badan in ay yihiin kuwa kaligood nool, ha noqoto mid la soo furay amba mid wali aan guursan, waana waxa gabdhahaasi ku qasba in ay daremaan in ay yihiin kuwa musiibo ay heysato.
Blase Arinka saxda ah ayaa waxaa uu yahay in kali ahaanshaha aysan aheyn dhibaato xun, hadaba waxaan kuu soo gudbineynaa ilaa 4 arin aad ku ogaan karto in aad ku jirto barwaaqo, ee aysan aheyn sida aad moodo oo ah in aad dhibaateysan tahay.
-Niyadaada ka saar in aad ceeb leedahahy
gabdho badan ayaa u maleeya in sababta saaxibadooda loo guursday iyagana aan loo soo doonan ay tahay in ay liyihiin ceeb ay ragga ku nacayaan, ma oga gabdhaha sidaasi u fekeraya in wili nasiibkooda uusan imaan, hadaba gabaryahey ha iska dhigan wax aadan aheyn, ogow waxa ugu badan ee aad ku soo jiidan karto dadka kale waa in aad naftaada ku kalsoontahay naftaadana aad jeceshahy.
– Ha u maleyninin dadka kale oo dhan in ay wada guursadeen
arinta kaliga ha isku soo koobin, oo ha u maleynin in dunida inteeda kale oo dhan ay yihiin gooxo lamaanayaal ah adiguna aad tahay kaligaa, fikirka noocaasi ah waaa waxba kama jiraan , wili dunida waxaa ka jira dad badan oo adiga kula mid ah tusaale seddex meelood dadka aduunka labo qeyb oo ka mid ah waa kali noolayaal “single”.
-Nolasha ha ka dhigin tartan
noolasha ma ahan goob tatan oo aad murgeyso hadii qof kaa horumaro, xaqiiqadu waxey tahay in nolashu ay tahay goob ay tahay in aan ku noolaano sidii aan rabno ma ahan sida ay rabaan dadka kale, hadii gabar saaxibtaa ah ay aragto in noolasha waxa ugu fiican ay tahay guurka, ha rumeysan una sheeg in adiga noolashu waxa kugu qaalisan ay tahay shaqadaada.
– Ha ku soo koobin Jaceylkaada qof nolasha kula wadaaga
shayga ugu weyn ee dumarka ku qasba guurka waa iyaga oo u arka in jaceylkooda ay siinayaan oo kaliya lamaanaha noolasha, marka koowaad jaceylka ha ka dhigin hadaf, ogowna in qoyskaada ay jaceyl kaga baahanyihiin iyo saaxibadaada, sidoo kale waxa ugu wanaagsan ee la jeclaado waa in ilaah uu caafimaad ku siiyey, ha ka dhigin farxada iyo jaceylka mid u gaar ah lamaanaha ogow dunida oo dhan ayaa farxad kaga baahan.