4 Qodob Oo Ku Saabsan Jaajareynta Taleefoonada Caqliga Leh

-

Waxaa laga yaabaa in  dad badan ay kaaga digeen in aadan ka tagin telefoonkaaga oo jaajar ku jira  habeenkii oo dhan, adiga oo aan ogeyn dhabnimada warkaas, hadii jaaajar ugu tagista ay keeneyso dhib iyo inkale?

Xaqiiqonews.com-Tiknoolaji

Dad badani waxay aaminsanyihiin wax lagu tilmaami karo “khuraafaad” marka ay timaato sida loola dhaqmo taleefannada casriga ah, waxaan halkan ku soo bandhigeynaa 4 qodob oo ku saabsan jaajareynta, waxaana hadaladan sheegay khabiirka ku takhasusay taleefoonada casriga ah Kyle Wins.

Bitiriga Oo dabka Looga Tago

Inta ugu badan taleefoonada Caqliga leh waxa ay wataan bitiri ka sameysan “Lithium ions” maadadan oo leh xasuus heer sare ah oo ka ilaalineysa dabka saa,idka ah.

Hadiise aan ku xasuusiyo taleefonadii hore waxa ay wateen Bitiriga”nickel” oo xasuustiisa ay aheyd farsamo bilow ah sidaa owgeed hadii dab badani ku dhaco waa ay barari jireen.

Hadaba iyadoo laga shidaal qaadanaayo faafaahinta kore waa muhiim in aad ogaato in taleefonada caqliga leh aysan ku aheyn halis dabka badan, balse ogow bitiriyada “Lithium” malahan adkeysi waligood ah.

Dabka badan

Halista kaliya ee soo wajahda dadka dabka ugu seexda habeenkii taleefoonada caqliga leh waa sare u kaca ku yimaada heer kulka taleefoonka.

Cabsidani sare u kaca heerkulka waa mid taagan beryahan dambe, tani waxaa laga yaabaa in yareyso cimriga bitiriga Lithium.

Taleefoonka oo lagu dabeeya Gosha 

In aad dabeyso taleefonkaada oo ku dhax jira gol ka sameysan “Caag” waxaa laga yaabaa in ay keento dhib, sidaa darteed waxaa lagula talinayaa in aad taleefoonka gosha ka saarto marka aad dabka ugu seexaneysid, gosha caaga ayaa sii balaarisa sare u kaca heerkulka waxaana dhacda in uu hoos u dhac ku yimaada shaqagudashadii taleefoonka.

Isticmaalka Taleefoon Dabeysmaya.

Dad badan ayaa aaminsan in ay muhiim tahay in aan ka fogaano isticmaalka taleefoonka oo dab ku jira, warkani waa mid sax ah ilaa xad, waad isticmaali karta howla yar yar taleefoonka oo dab ku jira, hase yeeshee ka fogow howlaha culculus.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...