5 Bil Oo ay Miir La’eyd ..Maalinkii Kowaad Ee 2021 Ayey Soo Toostay!

La Wadaag Asxaabtaada

Haweeney rer Lubnaan ah oo lagu magacaabo Lilian Shaito, ayaa maalinkii koowaad ee 2021 ka soo toostay miir daboolan dheer oo qaatay 5 bilood, ka dib dhaawicii ka soo gaaray qarixii dekadda Bayruut.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Shaito oo ka soo jeeda deegaanka Al-Tiri ee ka tirsan degmada Bint Jbeil, waxa ay aheyd sariir fuul tan iyo Afartii Agoosto markii uu dhaawac xagga madaxa ah ka soo gaaray qarixii dhimashada badnaa ee Bayruut xilli ay ku sugneyd suuq bartamaha magaalada ku yaalla.

Qarax aad u weyn ayaa ruxay caasimadda Bayruut ee Lubnaan, ka dib markii ay qaraxday kimiko lagu sheegay in aheyd Amooniyom Naytreet.

Sidoo Kale Aqri:Waa Kan Ninkii Duubay Muuqaalkii kowaad ee Qarixii Bayruut.

Qaraxii Beyruut waxa uu sababay dhimashada 200 oo qof, halka dhaawac iyo barac uu ku sababay kumanaan kale oo ku noolaa caasimadda.

Xukumadda Lubnaan ayaa ku andacootay in qaraxa uu ka dhashay Kimiko Amooniyom Neytrate aheyd oo ku keydsaneyd Dekadda.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada