5 Faa’ido Oo Uu Leeyahay Malabka Cad

Cilmi baarisyo dhowr ah oo la sameeyey ayaa lagu ogaaday faa’idooyinka caafimaad ee malabka cad u leeyahay jirka ban’aadamka.


XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD

Mid ka mid ah daraasadaha ay samaysay Jaamacadda Oxford ayaa lagu sheegay in malabka cad uu ku fiicanyahay daaweynta infekshinada iyo caabuqyada ku dhaca qeybaha sare ee jirka gaar ahaan neef-mareenada.

Sida laga soo xigtay webseeka ka hadla waxyaabaha caafimaadka la xariira ee “healthy” , malabka ayaa leh faa’idooyin ay ka mid yihiin 5-tan faa’ido ee baarayaasha ay soo xaqiijiyeen.

Infekshinada

Cilmi baarayaasha ayaa ogaaday, faa’idada malabka u leeyahay caabuqyada hawa mareenka sare, malabka ayaana hagaajiyey qunfaca soo noq noqda ama qunfaca daran

– caabuqa ku dhaca “dheefshiidka kimikada jirkaa (metabolic syndrome)

Malab cadka, ayaa la sheegay in uu ka hortag fiican u yahay cudurka ku dhaca dheef-shiidka kimikeed ee jirka Metabolic syndrome (MetS), kaasi oo ah cudur laga helay qeyb ka mid ah seddex qeyb dadka waaweyn ee Mareykanka ku nool.

-Halbowle -adkaanshaha ( Arteriosclerosis)

Cudurkani halbowlayaasha dhiigga ku qaada ku dhaca ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah sababayaasha ugu badan ee keena dhimashada aduunka, daraasadda ayaa muujisay malabka cad in uu leeyahay sun lid ku ah cudurkan halbowle-qalalka

-Caafimaadka Caloosha

Malabka ayaa qeyb ka ah khamiirinta bikteeriyada faa’idada leh ee caloosha laga helo, malabka ayaa lid ku ah fayruska, arintaasi oo xoojineysa difaaca jirka qofka.

-Nafaqooyinka

Malabka waxaa ku jira dhammaan nafaqooyinka asaaska u ah jirka, baarayaasha ayaana helay in malabka ay ku jirto 31 macdan,oo ay ka mid yihiin macaadinta jirka u baahanyahay sida Fosforos, Kaalshiyum, Botaasiyum iyo Magniisiyum.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA