5 Hees Oo Soomali ah Oo Lagu Tilmaami Karo “Dhiirigiliyaasha Ugu Fiican”

Nasiib darro bogga hore ee Yuutuubka waxaa ku camiran heeso Jecyl..taasi waa sababta dad badani ay heesaha ugu arkaan “Waqti lumis” laakiin hadii aad sidaasi u fikireysay waxaad u baahantahay in aad fikirto Labo jeer.


Xaqiiiqonews-Muuqaalo

Waxa aan halkani uga mahadcelinayaa dadkii sameeyey, laxameeyey, ku codeeyey heesahan, intaasi ka dib waxa aan rabaa akhristow in aan si edeb leh kugu sheego in heesaha aad dhageysato ay saameyn ku yeelan doonaan qaabka aad u fikirto,qaabka aad u hadasho iyo saameyn guud oo noolashaada ah, sidaa darteed heesaha waa ay ka xeel dheeryihiin “madadaalo”.

Mowduucan waxa aan ku soo qaadan doona 5 hees oo af-soomaali ah kuwaasi oo lagu sharxi karo in ay yihiin “dhiirigeliyaasha ugu fiican”

5-Calool Baahaneey ma cuntaad rabtaa! .(kooxda waaberi)

Qof kale waligaa ha ka sugin in uu ka dhigo “qof faraxsan” , Adiga naftaada u kac, naftaada u shaqeyso, ogowna sida waqtiga muhiim kugu yahy.

u fiirso erayada heesta “Cuudkii Miyiga caan baad ku tahay, Badweyntaa camiran rabbi kugu cigcigay, durdur laga cabbiyo cosobka iyo nimcada cagahaada yaal, hadaadan ciidda qodan calool baahaney ma cuntaad rabtaa?

Heestan waxaa lagu tilmaami karaa “Hees dhiirigilin ah ” waxaana erayada sameeyey Abwan Mustaf sheekh Cilmi.

9-Afqlaad aqoonta Miyaa!

Ingiriisku ma ahan aqoon, kaliyaa waa is “afgarasho” , aqoonta uu qof leeyahay ama caqligiisa laguma cabiri karo “af-ingiriiska”,

Cali Sugale ayaa sanadkii 1972-kii keydka heesaha ku soo biiriyey hees dhiirigilin ah oo dad badani ay la dhaceen Xikmadda ku duugan ,iyadoo la xasuusta in waqtigaasi ay tahay waqtigii la qoray fartan aan hadda idinkula xiriiiayo- – barigaasi oo soomalida aqoontu u heysteen luuqadihii gumeystaha uu ka tagay-.

Xaliimo Magool, iyo Xasan diiriye ayaa iska leh codadka asalka ah ee heesta, balse waqti dambe dadyow kala duwan ayaa siyaabo kala duwan iyo goobo kala duwan ku soo bandhigay heesta.

3-Muruqiina maalo dhulka mira ku beero.

Heestan ayaa si dhib yar kuu bareysa muhiimadda Watiga, waxaana erayada heesta ka mid ah “Mootada la raaciyo taksi lagu marqaama miliqmiliqda suuqyada macno yeelan meeysee …muruqiina maaloo dhulka miro kuu beero”

Fanaanada Khadiija Cabdulaahi Daleys ayaana iska leh codka, inkastoo qof walbo uu leeyahay dhadhan gaar ah hase yeeshee heestani waxa aan ugu yeeri karaa mid ka mid ah “dhiirigeliyaasha ” ugu fiican.

2-Gallad- hees waddani ah Baxsan Xaaji Cali

Heestani oo ah sugaan xambaarsan muuqaal “qalbiga taabanaya” waxa ay ka mid tahay heesaha Qaraamiga ah ee loo isticmaali karo “dhiirigelin” ahaan.

Heesta ayaa muuqaal ka bixineysa qof waqti badan howl u soo dhabar adeegay- muddo ka dibna dadaalkiisa uu miro dhilay, waxaana erayada heesta ka mid ah “Gartayeey noolasheyda…Galladaan sugeyniyo waqtigii wa ina soo galay”.

Heesta ayaa waxaa codkeeda macaan nagu soo gaarsiisay Saynab Xaali Cali Baxsan” sanadki 1976-kii ayuuna curiyey abwaan Cismaan Aadan Xuseen Askari, laxanka waxaa sameeyey Xasan galeyr

1- Aan Dayaxa Gaarnoo Diyaarado Sameynee

Heestani sida u xikmad badan tahay uma da’ weyna , heesta oo la qaaday 2013 ayaa xambarsaan erayo dab ah, erayada heesta oo lagu tilmaami karo “dhiirigelintii ugu fiicneyd” waxaa ka mid ah “Darajo iyo Cilmiga badan deg deg laguma gaaree, abidkiin dulqaad iyo samir baad ku dareysaan”.

Abwaanka ayaa dhanka kale da’ yarta ku gubaabinaya in ay tiigsadaan Dayaxa iyo farsamada casriga waxaana heesta ka mid ah “Aan dayaxa gaarnee diyaarado sameynee, ardayyahey dadkiiniyo waalidkiin ha diirsado, calankaa dushiiniyo dalka waa idiin sugayaa”.

Qof heesta ka daawaday Yuutuubka ayaa yiri “Cod, miro iyo laxan waa isku dhiilitarantahay heesta allow ku caafi Alfanaan cabdi shire jaamac ciyaarjecel”

Gabar adeegsaneysa magaca Xamdi Mohamed oo faallo ka dhiibatay heesta ayaa tiri “yaa dhiirigelin ka dhigta heestan? xitaa adoo weyn.

Bashiir Mukhtaar ayaa isna soo qoray “Markasta oo aan caqabad la kulmo heesta dhiirigelin ayaan ka qaataa”

Waxaa heesta Sameeyy Jaamac Saciid Warsame, Codka iyo Laxanka waa Jooqle shire jamaac.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA