2 Hees Oo Uusan Dhageysan Karin Qof Kismaayo Ku Sugan !

-

Ma ogi in ay sax tahay hadii aan dhaho “dhammaan heesaha waddaniga” waxa ay lid ku yihiin Axmed Madoobe, laakiin ii ogolow in sameeyo qiyaas caqli gal oo ku saabsan sida Axmed Madoobe uga falcelin lahaa heesahan.


Xaqiiqonews-Muuqaalo.

Waxaan dhihi karnaa qofka ugu neceb Axmed Madoobe waa qofka garka cilaanka u mariya, maxaa yeelay waxa aan qiyaasayaa inta jeer ee qofkaasi uu galay xaalad adag, ninkani waa digteetor, weyna adagtahay in ay shaqo idiin dhax marto , waxaana ka dalbanayaa aqristayaasha in aan u duceyno dadka Axmed Madoobe kula shaqeeya qaabka xoogga ah.

Aqristow waad yaabi doontaa marka aan kuu sheego in dhammaan dadka la shaqeeya Axmed Madoobe aysan iskaga tagin karin shaqada, ma fahmi kartaa sababta?

Maxaa yeeelay Axmed Madoobe waxa uu aaminsanyahay in qofka mar la shaqeeyey ee ka tago in uu halis ku noqon amaankiisa.

Yaanan war kugu daalinin Halkan hoose waxaa ku qoran2 hees oo aan qiyaasayo in ay yihiin heesaha uu ugu necebyahay Axmed Madoobe in uu maqlo, dabcan heesahan wey adagtahay in uu dhageysto qofka kismaayo ku sugan.

_Dad bay Meeli bugtaa

“Dhulka bi’inaaye ha inaga baxo, looma baahnee ha inaga baxo” waa erayada ugu badan ee damqinaya Axmed Madoobe kuna jira heestani caanka ah ee ay si wadjir ah u qaadeen Hobolada Waaberi.

Howlaha Arlada Haddii Laguugu Aamino.

Cali cabdi Bacalwaan iyo Xareedo Duniya oo ah labada qofka iska leh codadka heesta, midna ma ogeyn in heestoodani ay maalin un kontorobaan ka noqon doonto magaalada Kismaayo.

Si aan cabsi laheyn ayey Xareedo u leedahay “ha is oran cidi kuma arkeysaa aqalla jeexo, ha is oron cidi kuma arkeysaa afka buuxso”,.

Baclawaan ayaa isna ugu sii jiibinaya marka uu leeyahay “Ha is oran cidi kuma arkeysaa ehelo sheego” ha is oran cidi kuma arkeysaa ina adeerso, ha is oran cidi kuma arkeysee qaranka iibso”.

Aqriste yaanan heesta kaa sii xiiso tirine , aan idinka dhax baxo adiga iyo Heesta Howlaha arlada.

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...