5 Kowkab oo suuragelinaya in laga guuro Dhulka#Aqriso Rajada Mustaqablka

La Wadaag Asxaabtaada

Waxaa sii kordhaya hanqaltaaga dadka si ay u aqoonsadaan waxyaabaha qarsoodiga ah ee  caalamka maalinba maalinta ka dambeysa, sidaas darteed waxay qabanqaabiyaan safaro ka baxsan space-ka  aynu ku noolnahay, iyagoo rajeynaya in ay helaan goob ku  habboon noolasha oo dhulka ka baxsan.

Cilmi-baarayayaashu waxay sii wadaan inay raadiyaan goob ku habbon dhamaan muqawamaatka noolasha, iyagoo ka raadinaya meera ka duwan kan aynu ku noolnahay.

Hadaba Meerayaasha qaar ee la soo helay lana rajeynayo in ay dhameystiraan diirarka noolasha ayaa waxaa ka mid ah:

1-  Luyten b:

waa meero ka baxsan kooxda qoraxda, oo ku yaal masaafo dhulka u jirta 12.4 sano qorraxeed, waxa uuna saddex jeer ka weynyahay Dunida.

Cilmi-baarayaashu ma fogeystaan in noolayaal ay ku dul noolyihiin meerahan.

2- Kepler-1638 b:

waa meeraha  ugu egaansho dhaw  dhulka, waxaa  la rumaysan yahay in ay halkaasi ka jiri karto nolol-taam. Meerahani waxa uu ka weyn yahay dhulka 60% , waxaana la aaminsan yahay in uu biyo dareere ku yahay dusha sare.

3. Kepler-186 F:

Meeraha ayaa leh gacan u dhaw gacanta dunida, ,isagoo ka fog dhulka fogaan dhan  illaa 500 sanno Qorraxeed,meerahan ayaa sanadkiisu uu yahay 130- maalmood..

4. Kepler-452b:

waxa uu ka weyn yahay dhulka 60% wuxuuna leeyahay heer kul udhow  heerkulka Dunida, taas oo  oggolaaneysa inay ku haboon tahay hoyga aadanaha, sanadkiisu waxa uu soo wareegaa 385 maalmood,  wuxuuna leeyahay Qorax sida qorraxdeena oo kale ah.

5 -Mars:

Wakaaladda Mareeykanka ee qaabilsan Xiddigiska(NASA)  ayaa xiisaynaysa in ay barato meerahan, waxayna u tixgelisaa meerahan kan ugu fiican ee hoyga mustaqbalka noqon kara. Waxaa jira xitaa qorshe ah in loo guuriyo halkaasi aaladda cuf-isjiidasha  macmalka ah, si loo soo celiyo Daboolkii jawiga ee meerahaasi.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada