Inkastoo qofka uu cuntada ka sooman yahay saacado badan, haddana dad badan ayaa miisaankooda kordhaa ramadaanka dhaxdiisa, taasi oo keentay in khubarada la taliyaasha nafaqada ay baahiyaan muhiimadda ay leedahay yareynta sokorta badan maadaama ay qor u qaadeyso Insulin-ta dhiigga.
XAQIIQO NEWS- CAAFIMAADKA
khubarada waxa ay nasiinayaan talooyin qofka ka saacdi karto in uu miisaanka iska dhimo inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan.
Talooyinka waxaa ka mid ah: in qofka uu cabo biyo aan ka yareyn 2 liitar, qofka in uu iska yareeyo macmacaanka iyo casiirka macaan, qofka in uu kala gediyo nooca badar ee uu cunaayo afurkii iyo saxuurtaba.
Sidoo kale Aqri: Talooyin Caafimaad Oo Soonka Ku Saabsan
Waxaa kale oo khubarada ay ku taliyeen: qofka in uu badsado khudaarta iyo miraha iyo qofka in uu isticmaalo sambuuska gariilaha ah badalkii uu isticmaali lahaa sambuuska saliida lagu kariyey.