Sidee baa u jawaabeysaa marka qof ku weydiiyo “su’aalo shakhsi ah” oo aadan jecleyn in aad ka jawaabto?
XAQIIQO NEWS- XIRFADO KALA DUWAN
Hadday su’aashu kaga timid saaxib, xubin qoyskaaga ka mid ah, ama qof aad kor iska taqaanaan, su’aalahaasi war jecliga ah, qasab ma ahan in aad uga jawaabta sida uu rabay qofka ku weydiiyey.
Si aad u barato maareynta xaaladahan oo kale , halkani waxaa lagugu soo gudbinayaa siyaabaha ugu wanaagsan ee looga dhuunto su’aalaha shakhsi ahaaneed adiga oo aan dagaal bilaabin.
Qaabka ugu wanaagsan ee loola tacaali karo xaaladahaan camal, waxay ay tahay in aad u fakarto sida “qareenada”
Sidoo Kale Aqri..Xeeladdan Sameey Lacagta Ayaa Ku Soo Raadin Doonto
Qareenada waxa ay yaqaaniin sababaha ugu badan ee ka dambeeya “su’aalaha xad ka baxa ah”, sidoo kale waxa ay aqoon u leeyihiin caqabadaha ka dhalan karo macluumaadka shakhsiyadeed ee ku dhaca “gacan khalad ah” sida Xaqiiqonews ay ka soo tarjuntay webseetka Boldandbloom.
Su’aalahan Iska Jir
Hadalka jooji, oo sheeg in su’aash aysan xiriir la laheyn mowduuca laga hadlaayo, ama in ay tahay su’aal shakhsi ah. Tusaale:
Su’aal: Meeqa bil walbo kaga baxdo baashaalka lacagaha aad Kafeyga ku cabto?
Jawaab: su’aashan uma muuqato mid xiriir la leh wixii aan ka hadleynay, ama waa arin aniga ii gaar ah.
Su’aasha iska indha tir
Hadalkaga iska sii wado sida in aadan su’aasha maqlin, habdhaqankaasi oo diraya fariin ah in wedydiintaasi oo laga warceliyaa aysan muhiim aheyn.
Qofka Qalqal Geli
Tusaale ahaan hadii uu ku weydiiyo
Su’aal: wili ma aadan iiga jawaabin su’aasha?
ku Jawaabta: jawaabtee? ka waran hadii lagu weydiiyo su’aal macno la’aan maxaa dhihi lahey?
Fasax Qaado
Ka dhigo waqtigii ugu fiicneyd ee aad aadi laheyd musqusha(suuliga) , ama aad salaami laheyd saaxibka mar dhaw yimid. tusaale
Waxaa lagu weydiiyey” ma baxeysaa?….waad ogtahay
Adiga: waad ogtahay…Ninyow musqulaa aadi rabaa
Su’aasha Ku Celi
ka soo qad su’aasl weydiiyaha in uu ku weydiiyey
“Waxaan maqlay in aad taageersantahay xisbiga cusub ee”
Adiga: laakiin waxaa ka fiicnaan laheyd in aad i weydiiso, maxaa horta xisbi loo taageeraa?
Maran habaabi qofka
Qofka weydiiso faafaahin dheeri ah lacala haduu ku weydiiyo
Su’aasha: ijaarka meeshan waa immisa?
Jawaab: waan ka xumahay! ma fahmin su’aasha macnaha maxaa ula jeedaa?