7 Maalin Ka Hor Maxay Facebook Ku Qortay Naagtii Is-Qarxisay?

Qarax la sheegay in ay ka dambeysay haweeney “ismiidaamisay” ayaa lagu weeraray xarun ay ku sugnaayeen dhar cad ka tirsan sidroona Soomaliya oo ku taala xaafadda Black Sea ee magaalada Muqdisho.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa uu ku dhintay sarkaal lagu magacaabay Caano-geel oo sida la sheegay ahaa madaxii sirdoonka ee degmada Howlwadaag.

Inkastoo Al-shabaab aysan faafahin ka bixin nooca qofka is qarxiyey , hase ahaatee waxaa la isla dhax marayaa in qofka is qarxisay aya aheyd qof dumar ah.

Sidoo Kale Aqri.. Gabar Ku Dhimatay Qaraxii Ex.. Oo Facebook Ku Sii Qortay Dhimashadeeda!

Dad isticmaala baraha bulshada ayaa baahiyey sawirro qoraalo ah oo ay Facebook ku qortay gabar saacado ka hor, iyadoo iclaamisay in ay is qarxin doonto, laakiin ma jirto cid xaqiijin karto isku xir rasmi ah oo ka dhaxeeya labada dhacda.

Gabadha Mujaahidka Alshabaab

23 Bishii tagtay ee Sebteembar. qof isticaamalay magaca ah “gabadha mujaahidka Alshabaab” ayaa qol facebook ku sheegtay in ay tahay gabar Habar yoonis ah , islamarkaana uu qabo nin Majeerteen ah, iyadoo xustay in ay ku nooshahay Koonfurta Soomaaliya.

isla Magacaasi qof adeegsanaya ayaa saacado ka hor Qaraxii Black Sea qol Facebook dhaxdiisa dadka ka dalbatay in loo duceeyo, iyadoo soo qortay “waan is qarxin rabaa ii soo duceeya”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA