5 Shaqo Oo Tiknoolajiyadda Darteed Booska Ka Bixi Doona

-

Mushaar fiican ma ka qaadataa shaqada aad hadda heyso?, hadii jawaabtaada tahay Haa, xaq ayaad u leedahay, waxaa la joogaa waqtigii aad wax ka ogaan laheyd mustaqbalka shaqadaada.


Xaqiiqonews-Tiknoolaji

Halkani Soomaaliya ma jiro walwal badan, mana jiro sabab keeneyso in aad ka welwesho saameynta tiknoolajiyadda ay ku yeelan karto shaqadaada, hase yeeshee taasi macnaheedu ma ahan in aan aamin ka nahay welwelka caalamiga ee “robot-yada soo socda“.

Khabiirka xagga maaliyadda John Bogliano oo la hadlay BBC-da laanteed af-isbaanishka ayaa ka hadlay shaqooyin badan oo si tartiib tartiib ah dunida uga sii baxaya kuwaasi oo booskooda ay buuxineyso tiknoolajiyadda.

-Dhaqtarnimada

Arintani waxa ay kuula muuqan kartaa wax yaab leh, is-daji horumarka dunida iyo tiknolaajiyadda ayaa bilaabay in ay buxiyaan shaqooyinkii dhaqaatiirta, inkastoo muddo badan aan sii arki doono dhaqaatiirta qaliinka iyo la taliyaasha, haddana ma jirto cid diidi karto in ay imaan doonto maalin aan loo baahan doonin wax dhakhtar,

Duuliyaasha

Madaama waddanka uu hadda dagaalo ka soo baxaayo, ayna jiraan dhinacyo badan oo soo kabasho ah, waxaa dhici karta in dad badani ku fikirayaan in ay noqdaan “duuliyaal”

Sidoo Kale Aqri: Shaqadu waa ay na dishaa..Ogow Sababta..

in aad barato qaabka loo duuliyo “diyaaradaha” ma ahan “shay xun” laakiin in xirfadda duuliyenimada aad ka dhigato “shaqo mustaqbal” waa arin su’aal la iska weydiin karo.

Ka dib markii si dhameystiran dunida ay u howlgalisay diyaardaha Milatriga is-wada ee loo yaqaan “Drones-ka” , shirkadaha ugu waaweyn dunida oo ka mid tahay shirkadda “Boeing” waxa ay wadaan qorsho ah in la helo diyaarado shacab oo is-wadi kara.

Maktabadaha

Tan iyo burburkii Soomaaliya kama jirin shaqada “Maktabadaha” maantana dunidii kale ayaaba dooneysa in ay la mid noqdaan Soomaaliya,sidaa darteed khubarada ayaa sii saadaalinaya in 10-ka sano ee soo socoto ay gabi ahaanaba meesha ka bixi doonto waxa loo yaqaan “Maktabadda”.

Badalkeeda Waxaa furmay website-yo badan oo u shaqeynaya qaabka “Maktabadaha” dadkuna halkaasi ayey u guureen.

Lacag qabte/Xisaabiyaha

Sanadaha dhaw ee soo socda shirkadaha uma baahan doonaan wax “xisaabiye ah” maxaa yeelay waxaa jira borogaraamyo iyo ablikeeshino is-xisaabinaya, taasi oo waqtiga dhaw si dhameystiran meeshi uga saari doonta baahida loo qabo “Xisaabiyaasha”.

Xoghayaasha.

Waxaa jirtay beri xoghaye aan looga maarmin xafiisyada maamulayaasha, laakiin maanta waxaa yimid “Laptops” oo booska kala baxay xogheyntii.

Shaqooyinka “Xoghayenimo” aad ayey u sii yaraatay sanadihii ugu dambeeyey, shakina ma lahan in waqti dhaw xafiisyada aan lagu sii arki doonin xoghayaasha, maxaa yeelay maamulayaasha si dhib yar ayey u heli karaan “tick-yada” , is howl fudud ayeyna ula socon Kalaandarka taariikhda, iyaga oo caawin ka helayo tiknoolajiyadda, haddaba maxey uga baahan yihiin xogheyn?.

Gagagabadii- waxaa muhiim ah in aan ogaano in dunida ay ku sii socoto in shaqooyinkii dadka lagu badalo mashiin, waxaana jira shaqooyin badan oo maanta muhiim ah kuwaasi oo suuqa dhan ka bixi doonto 20-ka sano ee soo socota.

Xitaa hadii boosaskooda buuxiyaan mashiino waxaa la rajeynayaa in la heli doono qaabab kale oo dadka ay ku sii wadan doonaan noolashooda, .

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...