Masjika taarikhiga Aaya Suufiya ayaa xalay lagu tukuday salaadda Tarawiixda ka dib 88 sano.
XAQIIQO NEWS- MUUQAALO
Sanadkii 19934-kii dowladda Turkiga ayaa masjidka Aaya Suufiya u aqoonsatay goob matxaf ah ilaa laga soo gaaro sanadkii 2020 oo madaxweynaha Turkiga Erdogan uu masjidka ku soo celiyey shaqadiisa.
Muddo dheer ka dib masjidka ayaa salaaddii ugu horeysay lagu tukuday Jimco bishii July 2020 hase ahaate tan iyo markaasi ma suurtagelin in lagu tukado salaadda taraawiixda sababo la xariira cudurka Karoona Fayrus.
Warbaahinta Turkiga ayaa habeenkii jimcada baahiyey muuqaal laga soo qaaday Aaya Suufiya iyada oo lagu tukanaayo salaadda taraawiixda.