Facebook oo Sameeyey Arin ka Nixisay Daahir Calasow ,Dabcasir Iyo Wariye Carab….

-

Maalintii Sabtida aheyd oo ku beegneed 16-ka bishan December ee sanadkan 2017 ayaa waxaa shirkada facebook ay soo kordhisay badhan cusub oo lagu magacaabo “‘snooze’ kaasi oo awood kuu siinaya in aad iska xirto postiyada shaqsiyaad ama pages gaar ah muddo soddon maalmood ah(30 days).

Warbixin ay soo tarjuntay shabakadda xaqiiqonews laguna daabacay shabakadda arimaha tiknoolajiyada ee ‘Tech Crunch’ ayaa lagu faafaahiyey waxqabadka badhanka cusub ee“Snooze for 30 days” website-ka ayaa sheegay in badhankani uu awood uu siin doona isticmaalayaasa facebook in ay iska xeraan qoraalada iyo waxyaabaha ay soo dhigaan shaqsiyaad gaar ah muddo bil ah waxaana arintani ay ka duwantahay badhanada “unfollow” iyo “unfreind” oo iyaga guud ahaanba meesha ka saari jiray qofka hase ahaate badhanka waxaa uu xanibayaa muddo 30 maalmood gudahood ah oo kaliya ka dibna dib ayaad u arkeysaa qoraalada qofka.

Waxaa jiray shaqsiyaad badan oo daneynaya macluumaad ama shirkado ama dad gaar ah oo facebook wax soo dhiga hase ahaatee marmarka qaar waxa ay jeclaan lahaayeen in ka nastaan qoraalada qaar muddo kooban waxaana dadkaasi hadda ay helayaan fursad ah in ay iska xeraan muddo 30 maalmood ah “Snooze for 30 days”.

facebook ayaa sheegay in aan la ogeysiin doonin qofka aad iska saartay badhanka badalkeedana adiga lagu soo ogeysiin doono waqtiga uu dhamaado Snooze-ka.

Wararka U Dambeeyey

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...

Dhagaxii Ceel Cali Waxa Uu Dhulka Ku Soo dhacay 50,000 Sano Ka Hor!

Sida ay lagu ogaaday baritaano ay si wada jir ah u fuliyeen jaamacadda almaas ee magaalada Muqdisho iyo baarayaal...

Qof Walbo Waxa Uu Cadaalad U Raadinayaa Ikraan Tahlill Marka Laga Reebo Farmaajo

La taliyihii hore amniga ee Farmaajo, Xuseen Cali oo hadda madax ka ah machadka daraasaadka ee Hiraal ayaa sheegay...