Soomaaliya waxaa isbedelay hogaankii dalka, waxaana la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo; dabaaldeg, hambalyo iyo taageero kadib waxaa horyaal arrimo farabadan oo ah hawlihii loo igmaday. Xil la wareegid iyo caleemosaar kagadaal, madaxweynaha waxa ugu horeeyo ee horyaal waa xulista ra’iisulwasaaraha qofka noqonayo, taasoo durba ay muuqato u xusulduubka iyo oradka ay ugu jiraan beelaha hawiye ee saamiga aan lagu heshiin u yeeshay jagada raliisulwasaarenimada.
Shaqsiyaadka iyo kooxaha u tartamaya ra’iisulwasaare waxaa ugu tun weyn labada koox ee sida adag loolanka siyaasadeed uga dhexeeyo ee kala aaminsan Abgaal dambe maya (No more Abgaal) iyo Abgaal.
Kooxda Abgaal dambe maya waxay ku doodeysaa in laga soo bilaabo 2004tii beesha abgaal ay soo hogaaminaysay dalka, marna ra’iisulwasaare uu noqday Cali Maxamed Geedi kadibna Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh isu dabamareen madaxweynenimo iyagoo dhammaantood isku heyb ah aysan fursad helin beelihii kale ee hawiye markanna ay xaq u leeyihiin inay helaan kooxdan maadaama isbedelka dadkii ka soo shaqeeyey ee qeyb libaax ah ka ahaayeen.
Kooxda kale ee Abgaal (ulama jeedo qabiilka Abgaal keliya ee waa intii fikirkan qabta oo dhan) waxay aaminsan yihiin in Abgaal xaq u leeyahay in ra’iisulwasaaronimada loo magacaabo iyagoo dhowr arrimood u sababeynaya oo kala ah:
1. Iyagoo isbedelka qeyb muhiim ka ahaa uguna hiileyey madaxweyne Farmaajo inay codadkooda siiyaan markii wareegga kowaad dhammaaday gaar ahaan codadkii Cabdiqaadir Cosoble iyo Caddow Cali Gees.
2. Inay maamulgoboleedka Galmudug oo ay degaan balaaran ku leeyhiin aysan wax xil muhiim ah oo muuqda aysan ka helin, halka Maamulgoboleedka Hirshabeele madaxweyne aan laga siinin islamarkaana caasimadda muqdisho xaqii ay ku lahaayeen la duudsiiyey taasoo la rumeysanyahay in ay ku waayeen xilkii madaxweyne ee ay hayeen.
3. In arrinku uu ahaa Xasan Sheekh iyo Damjadiid maya ee Abgaalka kale aysan saameyn ku lahayn arrinkan maadaama Xasan sheekh uusan xilka ku joogin abgaalnimo ee uu ku joogay dambjadiidnimo.
4. In ciidamada difaaca ku jira iyo dhaqaalaha soo gala dowladda dhexe inay lafdhabar u yihiin.
5. In masuuliyiinta sare ee labada aqal ee baarlamaanka aysan waxba ku lahayn halka kooxda kale madaxweynayaal maamulgoboleed iyo ku xigeen aqalka sare ay heystaan.
Waxa kale oo jira koox saddexaad oo aaminsan Hiraab dambe maya (no more Hiraab) oo aan codkooda sare u qaadeynin kuwaas oo rumeysan in hiraab keliya hawiye ahayn ee ay xaq u leeyihiin in markooda fursad la siiyo.
Hadaba madaxweyne Farmaajo waxaa horyaal hawl aad u culus, waxaana isweydiin mudan sidee ayuu ugu kala garsoori doonaa kooxahan u baratamaya xilka ra’iisulwasaare mise waxaa uu sameyn doonaa isbedel oo qof kale uu isaga maskaxdiisa ka maagay ayuu keeni doonaa.
Abgaal Dambe Maya Vs Abgaal
-