Abi Axmed..15 Maalin Ayaan Ku Soo Ceshanay Wixii Tigreyga 5 Bilood Nooga Qabsadeen

-

Labadii maalin ee ugu dambeysay waxaa ciidanka Abi Axmed u suurtagalay in ay dib u soo ceshadaan 3 magaalo oo istaraatiiji ah kuwaasi oo Tigreyga ay horay xoog uga qabsadeen.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Isniintii, ra’iisal wasaaraha foronta hore ku sugan ee Itoobiya Abi Axmed ayaa sheegay in ciidankiisu ay dib u qabsadeen seddex magaalo oo dhaca ismaamulka Amxaarada, balse jabhadda Tigreey oo ka hadlay xaaladda taagan ayaa sheegay in ay ka baxeen goobo u dhawaa caasimadda Adis-Ababa.

Magaalooyinka waxaa ka mid ah Dessie, Kombolcha iyo Bati oo ah kuwo dhaca waddooyin muhiim ah oo isku xira Jabuuti iyo Adis Ababa.

Abi Axmed Waxa uu carabka ku dhuftay in Tigreyga dib looga qabsaday dhammaan goobihii ay kaga sugnaayeen deegaanada Amxaarada iyo Canfarta.

Abi Axmed ayaa hadalkiisa ku daray “deegaanada Tigreygu ku qaadatay in 5 bilood gudaha u soo galaan, waxaan ku soo ceshanay 15 maalin”.

Getachew Reda oo u hadlay jabhadda Tigreey ayaa ka bixitaankooda deegaanada ku tilmaamay dib u gurasho horay loo qorsheeyey.

Dhinacyada Itoobiya ku hardamaya dagaalka sanad jirsaday ayaa dhowr mar lagu eedeeyey in ay sameeyeen falal ka dhan xaquuqda aadanaha oo lagula kacay dad rayid ah.

Waxaana soo baxaya baaqyo ku aadan ilaalinta xaquuqda aadanaha, gaar ahaan labada dhinac ayaa laga dalbaday in ay dhowraan dadka ka shaqeeya caafimaadka iyo gargaarka aadanaha.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...