Ablikeeshin Taleefoonkaada Ka Dhigaya Kaamirada Qarsoon !

La Wadaag Asxaabtaada

In guryaha iyo goobaha ganacsi lagu xiro kaamirada qarsoon waa arin muhiim ah, hase yeeshee dadka oo dhan ma wada goyni karaan qiimaha adag ee kaamirada.

Xaqiiqonews.com-Tiknoolaji

Ablikeeshinka “Manything” ayaa keenay xal fudud oo lagu xaqiijin amaanka guryaha, waxa kaliya aad u baahan tahay waa “Teleefoon Caqli leh”Smartphone” oo guriga yaal iyo mid aad adiga gacanta ku qaadato.

Sida Xaqiiqonews ay ka soo tarjuntay website-ka tiknoolajiyadda ee Download.Cnet, kaliya adiga waxaa lagaga baahan yahay in aad labada taleefoon(kan guriga yaal iyo kan aad gacanta ku heyso) ku shubta ablikeeshinka “Manything”, waxaa aad awoodi doonta in aad isku xirto labada taleefoon adiga oo adeegsanaya “ablikeeshinka Manything”.

Inta ka dib Meel saar Taleefoonka guriga yaal, adiga oo Kaamirada ku sii jeedinaya goobta aad u baahan tahay in aad la socoto, ka dibna ka shaqeysii Kaamirada Ablikeeshinka.

“Manything” waxaa uu awood kuu siinayaa in aad la socoto dhamaan dhaqdhaqaaq gurigaada, sidoo kale waxaa uu kuu suurtga gelinayaa in aad duubto si gaar ahaan dhaqdhaqaayada aad ka shakisay isaga oo intaasi ka dib kugu keydin doono maskaxda taleefonkaada.

Ablikeeshinka ayaa ku heli kartaa qiimo raqiis ah adiga oo iska bixinaya 3 Doolar bishii,

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada