Marka ay timaado in laga hadlo afgaabnida waxaan ahaa lambar kow waxaan xasuustaa komanti xitaa markaan qoraayo in aan tirtiri jiray dhowr mar waxaan u heystay in adduunka oo dhan isha igu haayo.
XAQIIQO NEWS- HORUMARINTA NAFTA
Waxaan ahaa wiil ay iska dhaleen xishood iyo aamusnaan, waxaan aaminsanaa in sidaasi ay tahay qaabka ugu fiican ee dadka kale aan ku ixtiraamaayo, dabcan waan kugu raacsanahay waa labo sifo oo mararka qaar fiicaan hase ahaate mar walbo sidaasi xaaladda ma ahan.
Sida uu qoraayo webseetka Mentalhealth, in aad afka furato oo aad ka hadasho dareenkaaga waxaa ku jira caafimaadkaada maskaxeed.
Sida aan horay u soo sheegay, aamusnaan ma ahan wax xun mar walbo, laakiin waxaa jirta goobo marka la joogo ay tahay in qofka uu afka kala qaado oo uu dareenkiisa u badalo erayo.
Dulmiga
Nolasheena waxa ay burbureysaa maalintii aan bilowno in aan ka aamusno waxyaabaha na quseeya
Martin Luther
Bryan Stevenson oo barnaamijka TED ka jeediyey hadal ciwaankiisu ahaa “We Need to Talk About an Injustice ” waxa uu leeyahay “9 kii qof ee la dila, mid ka mid ah waxaa u ahaa qof aan waxba galabsan oo dulmi lagu dilay”.
Taasi waa daraasadaha aduunka kale laga sameeyey,ka waran Soomaaliya oo ah meel 9-kii qof ee la dila 8 ka mid ahi ay dulmanyihiin”, ma hubo laakiinse waxa aan wararka maalin walbo ku aragno ayaa ka marqaati ah heerka cadaalad darrada ee dalkaneea.
Waa muhiim in aynaan afka ka qabsan dulmi noocyadiisa kala duwan, sababtoo ah marka la joogo mowduuca dulmiga af-daboolan waa dacar.
Xiriirada
Dadku siyaabo kala duwan ayey u qariyaan dareenkooda, waxaa dhici kartaa in ay ka cabsanayaan in loo arko dad daciif ah, waxaa dhici karta in ay ka hortagayaan in uu dhaawac soo gaaro amaba kalsooni darro ayaa ku qasbeysa in ay afkooda xirtaan.
Laakiin khubarrada xiriirka iyo shukaansiga waxa ay leeyihiin qofka oo dareenkiisa qariya waxa keeni kartaa in xiriirka burburo.
Ogow, hadii aad aamusto oo aad wax qariso adiga oo u maleynaya in aad ilaalineysid in xiriirkiina sii jiro, waxaad ogaataa waxa aad ka shaqeyneysaa waa burbur.
Dhimashada dagdaga ah
Cilmi baaris socotay muddo 12 sano ah oo la soo bandhigay sanadkii 2013-kii ayaa waxa ay tooshka ku iftiimisay xiriir ka dhaxeeya qofka oo is cabruiya iyo qataraha dhimashada waqtiga hore ah.
Daraasadda waxa ay ku leedahay caburista waxa ay qofka gelineysaa istarees, halka istareeskana uu ka qeyb qaato cudurada ay ka mid yihiin.
- Sokorowga (macaanka)
- Dhiig karka
- wadno xanuunka iyo kuwa kale oo badan
Ugu dambentii khubarrada cilaajka dhimirka waxa ay ku talinayaan qofka in uu muujiyo dareenkiisa arintaasi oo aan aheyn mid iska fudud mar walbo, balse waa mid caafimaadkaada kaabeyso mar walbo.