Af Daboolan Waa Dahab

-

Waxaa jirta sheeko ku saabsan seddex qof oo lagu xakumay dil toogasho gaar ahaan in lagu daldalo xarig, seddexda nin ayaa kala ah wadaaddiimeed, qareen iyo Fisikis yahan.

Xaqiiqonews-

Markii la joogo watigii la daldali lahaa waxaa miiska la saaray wadaad-diimeedkii waxaana lagu yiri maxaad dhihi laheyd kalimadaada ugu dambeysa wadaadkii waxaa uu yiri “Allah, Allah Allah ayaa i badbaadniya” markii madax loo giliyey oo la sii daayey xarigii ma sameynin wax dhaqaaq ah, dadkii waa ay yaabeen waxa ayna dhaheen Ilaah ayaa badbaadiyey ha la sii daayo.

Waxaa la gaaray doorkii Qareenka isna waxaa la weydiiyey oraahdiisa ugu dambeysa waxa uuna yiri “Anigu ma aqaano Alle sida wadaadka oo kale laakin waxa aan aqaanaa Cadaaladda, Cadaaladda ayaa i badbaadineysa, isna markii madaxa loo galiyey oo la sii daayey wax dhaqaaq ah ma jiro, dadkii ayaa yaabay waana la sii daayey waxaana lagu yiri cadaaladda ayuu kaalmeystay.

Ugu dambeyntii fisikis yahankii ayaa miiska la saaray waxaana la weydiiyey fariintiisa ugu dambeysa, waxa uu yiri “Anigu ilaah iyo cadaaladda uma aqaan sida raggii iga horeeyey, laakin waxaan ogahay in uu jiri gunad ku sameysan xarig kaasi oo diidaya in qofka ceegsamo, xarigii ayey eegeen waxa ayna arekeen gunadkii, waa ay hagaajiyeen ka dibna madaxa ayey u giliyeen, halkaas ayuuna ku dhintay.

Xigamadda laga fahmaayo sheekadu: hadii aad ku dhax nooshahay dad liita afkaada xir xitaa hadii aad runta sheegeyso

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...