Af-ingiriisku Ma Ahan Luuqadda Rasmiga Ee Mareykanka!

-

Waxaa jira Oraah caan ah oo dhaheysa “Hadii aad rabo in aad noqoto muwaadin Mareykan ah baro luuqadda Ingiriiska” laakiin oraahdaasi ma ahan mid xaqiiqda  ku saleysan waxa aad noqon kartaa muwaadin Mareykan ah adiga oo aan hal eray xitaa ka kaseyn Af-Inigriiska.

Xaqiiqonews

Ugu horeyn waxaa laga yaabaa in arintani ay kuula muuqato arin “aan dhici karin”, waxaa aad is weydiin kartaa su,aasahan ” waddankan af-ingiriiska ku hadlo sidee baa luuqadda ingiriiska aysan u aheyn luuqadda rasmiga ah?

Luuqadda Rasmiga ee Mareykanka

hadii aan dhahno Ingiriiska ma ahan luuqadda rasmiga ee Mareykanka, dad badan ayaa laga yaabaa in ay u maleeyaan in Spanish-ka uu yahay luuqadda Rasmiga ee Mareykanka, madaama jaaliyadda ugu badan ee Mareykanka dagan yihiin jaaliyadda Maksiko. iyadana qofka sidaasi aaminsan wuu khaldanyahay!

Ingiriiska, Jarmalka, Spanishka, Faransiiska iyo Shiinaha intuba ma ahan luuqadda rasmiga ee Mareykanka, sida dhabta ah waxa ay tahay Mareykanka maba lahan Luuqad Rasmi ah.

Waxa dhici karta in aadan aaminin warkani, hase yeeshee waa xaqiiq rasmi ah, Mareykanka waa dowladda kaliya ee dunida oo dhan oo aan laheyn luuqad rasmi ah.

Sidee Arintani Ku Dhacday?

Luuqadda rasmiga oo aka maqan Mareykanka ma ahan arin “kadis ah” oo kaliya, sidoo kale arintani ayaa ah mid ka mid mabaad’ida ay aaminsanyihiin shacabka Mareykanka.

Dhowr mar ayaa la isku dayey in arintani wax laga badalo, hase ahaate isku dayadii oo dhan waxa ay ku soo dhamaadaan fashil, sanadkii 1870 siyaasi Mareykan ah oo lagu magacaabo John Adams ayaa isku dayey in uu Kongareeska hor keena baahida loo qabo arintani,  balse waxaa uu la kulmay dhaleeceyn tiro badan iyadoo lagu eedeeyey in uu doonaayo in dhantaalo xorriyadda shakhsiga.

W/K  soo tarjunay wakaaladda Ruushka ee  sputniknews qeybteeda afka carabiga

Wararka U Dambeeyey

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...