Wararka naga soo gaarayo magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi Ahlu suna ay ku xireen Labo sarkaal oo ka tirsan Nabad sugida Soomaaliya.
Ahlu suna ayaa ku eedeysay Labada sarkaal ee lagu xiray Dhuusa-mareeb iney magaalada soo galaan iyagoo aan wax fasax ah ka heysan maamulka magaaladaasi.
Wariyaasha ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb ayaa soo sheegaya in madaxweyne ku-xigeenka Ahlu sunada Gobolada dhexe uu shir jiraa’id uu ku faah faahinayo xariga Labada sarkaal lagu wado inuu goordhow ku qabto magaalada Dhuusa-mareeb.