AQRISO: Magacyada 14 Sargaal oo ay Maanta AlShabaab ku dileen Qarraxii Muqdisho & Xilalkii ay hayeen

-

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weerar xooggan oo lagu qaaday saldhig lagu tababarayay ciidamo katirsan melleteriga dowladda Federaalka.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in uu ka dhacay gudaha Warshaddii hore ee Nacnaca degmada Wadajir balse hadda ah xero lagu tababaro ciidamada DF-ka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan oo gilgilay goobta, halka weerarku ka dhacay waxaa bilihii lasoo dhaafay ka howlgelayay saraakiil caddaan ah oo tababarro siinayay ciidamada DF-ka.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka, sida ay baahisay idaacadda Andalus ee ku hadasha afka xarakada.

Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxu uu gallaaftay nolosha saraakiil Tababarayaal ah iyo ciidamo ku sugnaa xerada Nacnaca, waa weerarkii labaad oo naf-hurnimo oo si xiriir ah uga dhaca magaalada Muqdisho waxaana lala beegsaday saraakiil melleteri.

Warka kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in dhimashada ka dhalatay weerarka Xerada Nac Naca ay gaartay 24 askari iyo saraakiil ah islamarkaana lafilan karo in khasaaruhu sii kordho saacadaha soo socda.

Taliyaha ciidanka dowladda Federaalka Jeneraal Cirfiid ayaa shalay si dirqi ah uga badbaaday weerar lagu khaarijin lahaa xilli uu ku socdaalayay agagaarka wasaaradda G/dhigga.

Hoos ka akhriso qaar katirsan magacyada saraakiishii lagu dilay weerarkii maanta.

1- Gaashaanle Sare Badri Sheykh Aadan, Madaxii tababarada ee Xerada.

2- Korneel Cabdi Yare, Sarkaal ka tirsan ciidanka Military-ga

3- Gaashaanle Sare Abuukar Dheere, Sarkaal ka mid ahaa ciidanka Military-ga

4- Korneel Macalin Cabdi Kariim, Tababare Ciidan.

5- Xasan Gacmo Dheere, Gaashaanle dhexe oo ka tirsan ciidanka Military-ga.

6- Gaashaanle Dhexe Macalin Cumar, Tababare Ciidan

7- Korneel Dhiblaawe oo ka tirsan ciidanka Military-ga.

8- Gaashaanle Sare Carab oo ka tirsan Military-ga.

9- Sarkaal Magaciisa lagu soo koobay Qaam-Raam.

10- Korneel Dimuquraadi oo ka tirsan ciidanka Military-ga. (Waa Dhaawac)

11- Xuseen Yare Kabtan ciidan.

12- Laba xidigle Cabdi Xakiim

13- Laba Xidigle Axmed Nuur

14- Laba Xidigle Aaryo.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Calaamado Soo Muuqan Kara Bil Ka Hor Wadno Xanuunka

Dr. Satir Zhijian, oo ah dhaqtar wadanaha ayaa tilmaamay in calool xanuunka iyo dhabar xanuunka ay noqon karaan calaamado...

Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar...

Xog..Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Darooniska Bayrakhtaar TB2

Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen...

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...