Ururka Al-shabaab ayaa raashiin iskugu jira bur, sokor, bariis iyo saliid ka qeybiyey tuulooyin hoos taga deegaanka Toora toorow ee gobolka Shabeelaha Hoose.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Dadkan ayaa raashiinka loogu qeybiyey tuulada Farsooley ka dib markii ay ka soo barakceen fatahaadyadii wabiga, dadkan ayaa intooda badan ka soo barakacay buulada Towfiiq iyo deegaano ku dhow Farsooley.
Idaacadda Al-shabaab ayaa baahisay in raashinkan ay qeybisay hay’ad lagu magacaabo “al-ixsaan” taasi oo sida ay al-shabaabku sheegeen qaabilsan howlaha sama falka.
Sidoo kale Aqri: Sawirro..Al-shabaab Oo Drones U Adeegsaday Weerarkii Manda Bay
Goobaha miyiga ee inta badan ay gacanta ku heyso Al-shabaab ayaa dadku waxa ay ka cowdaan lacago xarakadu ay ku soo qoroto dadka deegaanka ah
Inkastoo dhacdadan aysan aheyn markii ugu horeysay, haddana arintani ayaa noqneysa falalka dhifka iyo naadirka ah ee Al-shabaab aan loogu baran inta badan.



