Al-shabaab Oo Go’aan Lama Filaan Ka Qaatay Tallaalka AstraZeneca

La Wadaag Asxaabtaada

Xilli meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah uu ka socdo ololaha tallaalka ka hortagga covid-19, Al-shabaab ayaa soo saaray qoraal ay kaga hadlayaan mowqifkooda ku aadan tallaalka.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Bayaanka Al-shabaab oo horudhac looga dhigay “digniin” ayaa tallaalka ku sifeeyey mid dhib geysanaya.

Al-shabaab ayaa yiri ” waxa aan ugu digeynaa muslimiinta ku nool Soomaaliya in ay qaataan tallaalka lagu magacaabo AstraZeneca”.

Al-shabaab ma aysan xusin cillad caafimaad iyo dhibaato uu geystay iyaga oo ku gaabsaday in tallaalka laga diiday wadamo ay ku tilmaameen in ay yihiin kuwo ka fiican Soomaaliya xagga caafimaadka.

Sidoo kale Aqri:Xisaab Ahaan..Immisa Ayuu Qaadan Karaa Dagaalka Al-shabaab iyo Mareykanka.

Qoraalka Al-shabaab waxaa ka mid ahaa in cudurada faafa looga hortagi karo “towbad keen” waxa ayna dalbadeen in la sameeyo ducooyin.

Qoraalka Al-shabaab oo lagu soo laray aayado qur’aan ah ayaa ka digay suurtagalnimada cudurro kale oo an Karoono aheyn, oo -sida ay sheegeen- laga qaadayo hadii lala fadhiisto waxa ay ugu yeereen “gaalada”.

Ugu dambeyn Al-shabaab ayaa dalbaday in la isku daweeyo daawo dhireedka sida xabad sowda iyo malabka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada