Al-shabaab Oo ka Hadlay Sida Ay U Arkaan Saadaq Joon Iyo Kooxdiisa

La Wadaag Asxaabtaada

Idaacadda ku hadasha afka Al-shabaab ee Andulus ayaa warbixin ka sameysay xiisadda ka taagan Muqdisho ee u dhaxeysa Df-ka iyo Saadaq Joon.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Idaacadda Al-shabaab ayaa carrab dhawday dad ay ugu yeertay ” Dagaal oogayaal hore” kuwaasi oo hub aruusi ka wada gudaha Muqdisho.

Andulus ayaa sadaalisay dagaalka ka dhaca Xamar kaasi oo dhexmari doona maleeshiyaad beeleed- sida ay warka u yiraahdeen

Si gaar ah warbixinta waxa ay xustay Muuse Suudi Yalaxoow oo ka mid ah ragga aad ugu cad cad ee ka soo horjeeda muddo kordhinta baarlamaanka, iyo Yuusuf Indha cadde oo warbixintu ay ku tilmaamtay “Dagaal Ooge” .

Warbixinta Al-shabaab ayaa imaaneysa waqti gudaha Muqdisho ay ka taagantahay xiisad u dhaxeysa dowladda Iyo Saadaq John, iyadoo horay looga digay in xiisadu ay isku badasho “gacan ka hadal”.

Sidoo kale Aqri: Al-shabaab Oo Go’aan Lama Filaan Ah Ka Qaatay Tallaalka AstraZeneca

Dagaal Ka Dhaco Muqdisho Muxuu Uga Dhigan Yahay Al-Shabaab?

Qaar ka mid ah dadka falanqeeysa qaab dhismeedka Soomaaliya waxa ay aaminsanyihiin in dagaal ka dhaca Muqdisho uu xoojin karo kafada miisaanka Al-shabaab.

“Hadii dagaal ka dhaco Muqdisho, Al-shabaab waxa ay qabsan doonaan ceelasha biyaha, waana halka dadka ugu badan ay u barakici doonaan” ayuu yiri mid ka midka ah falanqeeyaasha ay la hadashay Xaqiiqonews kaasi oo diiday in magaciisa saxaafadda loo adeegsado.

Falanqeeyaha ayaa intaasi ku daray “Tusaale ahaan ganacsiga ugu Weyn ee Xamar ee Bakaaraha waxa uu sababa amni iyo mid cadaaladeed dartood ugu wareegi doonaan deegaanada Al-shabaab sida Ceelasha Biyaha oo aan hubo in ay noqon doonto xarunta ganacsi ee Al-shabaab ee mustaqbalka hadii uu dagaal dhaco”.

“Al-shabaab waa dowladda noo badali doonto hadii dowladdan naga burburto” ayuu sii raaciyey.

Al-shabaab ayaa dagaal adag kala soo horjeeda Df-ka iyo ciidamada Midowga Afrika Amisom muddo ku dhaw 15 sanadood, hase ahaatee sanadihii ugu dambeeyey kooxda ayaa lumisay dhul badan iyo sumcadii ay ku dhax lahaayeen bulshada.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada