Al-Shabaab Oo Saraakiil Ameerikaan Ah Qarax Kula Eegtay Muqdisho

-

Weerar isqarxin ah ayaa lagu soo waramayaa in lala eegtay gawaari sida la sheegay ay la socdeen saraakiil Mareykan ah , weerarka ayaa goor dambe oo khamiista ah ka dhacay meel u dhaw Villa Baydhabo.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Sida ay goobjoogayaal u sheegeen warbaahinta, qaraxa ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka waxyeelada gaartay ka mid ah dad shacab ah oo maraayey goobta qaraxa ka dhacay.

Qaraxa ayaa lala beegsaday golonyo ay la socdeen ciidamo Amison ah , waxaana wararka qaar sheegayaan in golonyada ay galbinayeen 2 sarkaal Mareykan ah oo ka tirsanaa shirkadda Pacific Architects and engineers.

Ururka Al-shabaab oo mas’uuliyadda sheegtay ayaa sheegeen in qaraxa uu haleelay bartilmaamoodkooda oo ay ku sharxeen “saraakiil cadaan Mareykanka ah” sida ay warka u qoreen, iyagoo dhanka kale sheegtay in qaraxa uu waxyeeleeyey Ugaandhees ilaalo u ahaa saraakiisha la beegsaday.

Qaraxa ayaa imaanaya maalmo ka dib markii xerada Xalane lagu qabtay shir sida la shaaciyey looga arinsanaayey mustaqbalka ciidanka Amisom oo waqtigooda uu yahay gabaabsi.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...