WARARKAAl-Shabaab Oo Sidan Uga Hadlay Ciidankii Eriteriya Loo Qaaday

Al-Shabaab Oo Sidan Uga Hadlay Ciidankii Eriteriya Loo Qaaday

-

Idaacadda afka Al-shabaab ku hadasha ee andulus ayaa sii deysay wareysig ay ka qaaday Sheekh Muuse Caraale oo Al-shabaab ugu magacaaban waaliga Gobolka Benaadir.


XAQIIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Wareysiga oo dhinacyo badan kaga hadlay ayuu Caraale ku sheegay in iyagu ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday afaafka hore ee xerada tababarka ciidamada ee TurkSom.

Caraale ayaa sidoo kale soo hadal qaaday sida ay Al-shabaabka uga walaacsanyihiin dadaalada Turkiga uu ku bixinaayo dhismaha ciidamada Soomaaliya, waxa uuna Turkiga ku tilmaamay “Al-shahaado la dirir”.

Sidoo kale Aqri: Xogta Iyo Qabiilada Madaxda Al-shabaab Ee Xayiraadda La Saaray

Ugu dambeyntii Sheekh Caraale ayaa carab dhabay in ay la socdaan waxa ka socda Xamar waxa uuna xusay wax uu ku tilmaamay “Ciidamo been loo sheegay” isaga oo yiri “Waxaa lagu yiri qadar ayaad lacag ka soo xaabsaneysaan”.

Dhanka kale Waaliga Al-shabaab ee Benaadir ayaa soo hadal qaaday mashruuc Banaadir ka socd oo uu sheegay in ay dhiiri geliyaan hay’ado fadhiya Xalane, kaasi oo lagu kala iibsado caruurta laguna kufsado dumarka- sida uu hadalka u dhigay.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...